Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ardayda Dugsiga Sare ee Fasalada 9aad iyo 11aad ee Magaalada Jigjiga oo Isu Abaabulay Dhiigooda In ay Ugu Deeqaan Bankiga Kaydka Dhiiga Si Bukaanka Loogu Daryeelo.

Jigjiga(cakaaraNews) Arbaco June 12,2013.Bukaanka ayaa Qaar ka mid ah ay Mararka Qaarkood kula kulmaan Rugaha Caafimaadka Dhiig la'aan oo ayba waayaan dad ehel ama asxaab ku dhiirada in ay Dhiigooda ugu deeqaan Badbaadinta Nolosha Bukaanka kuwaasoo badankood ay yihiin Qariib ama Masaakiin aan ehel ku lahayn Goobtaa walow ay ka helaan Kaydka Bankiga Dhiiga Noocyada Dhiiga ee Bukaanku u baahan yahay oo ay Dadka Alle dartiis ugu tabarucaya Bukaanka ay si xoriyad ah Bankiga Dhiiga ugu deeqaan Dhiigooda iyadoona Shubida Dhiiga ayaa ay Ajar iyo Caafimaad Qofka shubayba ugu jiraan.

Hadaba Ardayda Dugsiyada Sare ee Magaalada Jigjiga oo ku guda jira maalmahan Fadhiga Imtixaanada kama danbaysta(Final-Exam) ee Sanad-dugsiyeedka Sanadkan 2005.T.I,ayaa ay Ardaydu isku baraarujiyeen in ay Dhiigooda ku Sadaqaystaan Bankiga Dhiiga Magaalada Jigjiga Caafimaad ahaan Ardaygii awooda Shubida Dhiiga si loogu badbaadiyo Nafo kale. Mar ay Ardaydu maanta Gudaha Dugsiga Sare ee Magaalada Jigjiga ugu shubayeen Dhiigooda Bankiga Dhiiga ayaa uu Wariyaha cakaara oo halkaa ku sugnaa uu Maareeyaha Bangiga Dhiiga mudane c/qadir maxamed xasan uu wax ka waydiiyay isxilqaanka Ardayda ay Dhiigooda ku shubayaan.

Maareeyaha Bankiga Dhiiga DDSI ayaa wariyaha u sheegay in aynan ahayn markii 1aad ee ardayda wax ka barata Dugsiyada Sare,kuliyadaha,jaamacadaha iyo Dugsiyadaha Dhexe ee magaalada jigjiga ay dhiig u shubaan Bankiga Dhiiga Jigjiga si loogu badbaadiyo Nafo kale,iyadoona ay Kaydka Bangiga Dhiiga ee ugu wayn JJ ay yihiin Dhiig ay shubeen Heerarka Ardayda iyo shaqaalaha Dawlada ayuu yidhi. Maareeyaha Bangiga Dhiiga ayaa Tibaaxay in Shubida Dhiiga ardaydu ay labo jeer faaiido u tahay Marka 1aad waxay u sadaqaysteen Dhiigooda in ay ku badbaadiyaan nolosha Naf kale iyo ta labaad oo ah in uyaga naftooda uu dhiigani kayd u yahay caafimaadna ka helayaan Qashin-saarka shubida dhiiga,iyadoona Bangiga Dhiigu uu diyaar u yahay adeega kaydinta Dhiiga iyo cid kastoo Door bida in ay Dhiigeeda u shubto Badbaadinta Nafo kale ayuu yidhi.

Dhanka kale maamulaha dugsiga sare ee magaalada jijiga mudane c/qaadir c/lahi cabdi ayaa Carabaabay Faaiidada Shubida Dhiiga,Ajarka,Caafimaadka iyo xasanaadka uu Qofka alle dartiis Dhiig ugu shuba Badbaadinta Nolosha Bukaanka uu Alle ka helayo,islamarkaana isaga oo la dardaarmaya ardayda dugsigaasi mar aya diyaar ku ahaayeen goobta dhiigsubida ayaa waxa uu sheegay in ardayda looga baahanyihiin in ay ugu tagaan bangiga Dhiiga goobtiisa oo ay halkaasi ku soo shubaan dhiiga.