Shirkada Xaaji-Nuur Import And Export oo Xafiiska Nabadgelyada iyo Cadaalada DDSI u Soo Iibisay Noocyo Baabuur Isugu Jira Toyota Land-Crusier,Booyado iyo Ampulance.

Jigjiga(cakaaraNews) Khamiis June 13,2013.Xafiiska Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada DDSI oo ay Hoos yimaadaan Dhamaanba hay'adaha Nabadgelyada Deegaanka Sida Ciidamada Booliska DDSI,Booliska Gaarka Ah(Liyuupolice)Booliska Asluubta iyo Maxkamadaha ayaa ay aad u balaadhan tahay Waxqabadyada Waajibaadka shaqo ee laga sugayo kuwaasoo dhamaantood Ay Bud-dhige u tahay Sugida Amniga iyo xuduudaha DDSI.

Sidoo kale xafiiskan oo ay Qaybta Gaadiidka ama logistics ciidanka xili walba u dhamaystira ayaa dhawaan tartan qandaraas iib baabuur soo dhejiyay islamarkaana ay tartankii iibka baabuurta ku guulaysatay shirkada dhoofinta iyo soo dejinta xaaji-nuur(Haji Nur Import And Export).

Hadaba Shirkadan magaceedu kor ku xusan yahay ayaa dalka dibadiisa uga soo iibisay xafiiska nabadgalyada ddsi baabuur isugu jira booyado,land-cruiser Pick-up,Land-cruiser Double cabin iyo ampulance Tiradooduna kor u dhaafayaan 40,kuwaasoo kala yaala xarunta madaxtooyada ddsi iyo kuliyada tababarada macalimiinta dr c/majiid.