Nin Soomaali Ah oo 3 Qof oo Soomaali ah Ku Dilay Xarun Caafimaad oo Ku Taala Magaalada St-Lous ee Gobolka Missouri Maraykanka.

St-Louse(CakaaraNews) Jimce June 14,2013.Muran ka dhashay Xarun-Caaafimaad oo ku taala Magaaladda St-Louis ee Gobolka Missouri ee Cariga Marykanka ayaa sababay dhimashadda 4 Qof oo Soomaali ah oo ka shaqeyn-jiray Xarunta Caafimaad. Dilkan ayaa ka dhacay gudaha xarunta Caafimaadka (Ak-Home-Health-Care)kadib markii nin Soomaaali ah oo aad u caraysan uu gudaha Xaruntan caafimaad uu ku dilay Nin-Soomaali ah kadibna waxaa uu madaxa ka toogtay 2-gabdhood oo soomaali ah oo xaruntan ka shaqeynayay.

Ninkii gacan-ku-dhiiglaha ahaa ayaa marki dambe Isna Dhafoorka ista toogtay halkaana ku xijaabtay,waxaana arintan murugada leh ka naxay Jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee Magaaladda St-Louis iyo Jaaliyadaha Muslimiinta oo la yaabay sababta ninkan Soomaaliga ahi uu 3-Soomaali ah oo asxaabtiisii uu mudada la shaqeynayey ka mid ahaa iyo isagiiba uu Qudha uga jaray. Booliiska St-louise ayaa sheegay in Ninkan Soomaaliga ah ee is-dilay uu ahaa ninkii iska lahaa Xaruntan caafimaadka ee uu Dilka ka gaystay,inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan inuu mar-lahaan jiray Xaruntan Caafimaadka balse mulkiyadeeda uu san hayn markii uu dilka geysanayey,balse arinta Mulkiyadda xaruntan caafimaad ayaa ay Booliisku  baadhayaan.

Soomaalidda ku dhaqan Gobolka Missouri ayaa ka naxay dhacdadan foosha-xun ee galaafatay nolosha 4-Soomaali ah,iyadoo dhacdadan ay noqotay midda ugu hadal-haaynta badan guud-ahaan Soomaalidda Mareykanka ku nool oo la yaab ku noqotay in qof Soomaali ah inta uu 3-qof dilo kadibna isagii is-toogta.

Isku Soo wada soohoo Dilkan Foosha xun ayaa Hooyo soomaaliyeed oo la ilmaynaysa Dhimashada gabadheedii oo ka mid ahayd Dadka meesha lagu dilay ayaa goobta ku barooranaysay iyadoona Boolisku uu isku gaydaamay Goobta falku ka dhacay.