JICA Waa Hay'ad Laga Leeyahay Dalka Japan oo Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI ku Caawisay 7 Baabuur oo ay Ka Mid yihiin Noocyada B/buurta lagu dayactiro ceelasha Biyaha iyo Qalabkoodii(Mobile-Workshop Truck).

Jigjiga(cakaaraNews) Jimce June 14,2013. Hay’ad Lagu Magacaabo Japan International Co-Operation Agency”JICA “Oo Laga Leeyahay Dalka Japan Ayaa Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha Ee DDSI ku wareejisay Mulkiyada iyo Furayaasha 7 Babuur oo ay ku caawisay Xafiiska si ay wax uga tarto hirgalinta Qorshayaasha waxqabadka Dhanka Biyaha iyadoona ay 7tobadan Baabuur ee lagu caawiyay Xafiiska Biyaha DDSI ay isugu Jiraan Baabuur Nooca lagu dayactiro ceelasha Biyaha iyo qalabkoodii oo Dhamaystiran iyo Noocyo kale.

 Wasiirada Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha Ee DDSI Marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo kala wareegtay Deeqdan hay'ada JICA goob ay saxaafadu ku sugan yihiin ayaa u mahadcelisay Deeqda ay ka heleen hay;ada Dalka Japan ee JICA oo kaalin wayn ka qaadata dadaalada loogu jiro Horumarinta Khayraadka biyaha iyo Helida Biyo Nadiifa oo ay Guud ahaanba Shacabka DDSI ka haqab beelaan,iyadoona ay Deeqdan 7da Gaadhi ah ay isugu jiraan 3 Baabuur oo ah Nooca Mobile-workshop car,2bo Toyota L/C Hard-Top iyo 2bo xaajiyadood iyo Qalabkii Dayactirka ceelasha ayay Tidhi.

Dhanka kale Wasiirada ayaa tibaaxday in hay'ada JICA ay hada ka hor ku Caawisay Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI 2bo Booyadood oo ah Nooca Biyaha,150 Xabbo oo ah Nooca Haamaha Biyaha iyadoona Dhawaan ay ku wareejin doonaan xafiiska 5 Booyadood oo ku sugan Addisababa ayay Tidhi wasiiradu.

Isku soo wada Soohoo Hay;ada JICA ayaa Door muhiim ah ka Qaadata Hirgalinta Qorshayaasha Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale ee DDSI iyadoona ka caawisa Xafiisyada Deegaanka Hadba Baahidooda sida Xafiiska Biyaha iyo Kuliyada Farsamada,Xirfada iyo Cilmiga biyaha oo ay Qalab iyo Kobcinta Awooda tayada Aqooneed ay ku caawiso Macalimiinta wax ka dhiga kuliyada iyo shqaalahaba.