Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Weeraryahanka Reer Argentine Messi iyo aabihiis Jorge ayaa qarka u saaran in Loo Taxaabo Xukun Xabsi Dhan 4-sanno,kadib markii waaxda canshuuraha ee Dalka Spain ay ku eedeysay inay musuq-maasuqeen in ka badan 5-Milyan oo Doolar.

Spain(CakaaraSport) Jimce June 14,2013.Maxkamada Dawlada Spain ayaa Dacwad ku furtay Xidiga Reer-Barcelona iyo aabihiis Jeorge iyadoona loo qabtay muddo kooban hadii ay canshuurtii ay musuq-maasuqeen ku bixin-waayaann inay muteysan-doonaan xukun maxkamadeed oo xadhig 4-sanno xabsi ah. Messi iyo aabihii ayaa Barta Internka ee Facebook ama Waji-book ku Bog(Page) ay ku leeyihiin ku cadeeyay jiritaanka xarigan loogu goodiyay waxayna asxaabtooda ugu baaqeen inay is-dajiyaan oo aan la buun-buunin arintan,inkastoo hadii ay ku bixin-waayaan muddada kooban canshuurta lagu xukumi doono 4-sanno oo xarig ah.

Weeraryahanka Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona kana soo jeeda Dalka Argentina Lionel Messi iyo Aabihii Jorge ayaa si wada jir ah u dafiray in ay khiyaameen waaxda canshuuraha Dalka Spain kadib markii lagu eedeeyay in ay musuq-maasuqeen in ka badan 4 million oo euros, una dhiganta $5.3 million (3.3 million pounds) oo canshuur ah. Xiddiga adduunka iyo Aabihii ayaa loo heystaa in ay khiyaameen canshuur celintii sanadihii 2006 – 2009, sida uu ku doodayo Sarkaalka Canshuuraha Jose Miguel.

“Waxaan ogaanay in dacwad nalaga gudbiyay,” wiilka Rosario-ku dhashay ayaa sidaa ku soo qoray barta uu ku leeyahay Facebook, kaasoo Barcelona ku noolaa tan iyo 2000 isla markaana dhalashada Spanish-ka qaatay 2005,

. “Waan gudanaya waajibkii dhanka canshuuraha ee nagula lahaa.” ayuu ku sii daray hadalkiisa Shirkado saldhigyo ku leh Uruguay, Belize, Switzerland iyo United Kingdom, isla markaana dhaqaalo ka hela iibinta xayeeysiinta lagu sameeyo magaca Messi ayaa ka qarsoon waaxda canshuuraha Spain sida dacwad ooguhu uu ku doodayo.

Messi iyo Aabihii waxaa laga yaabaa in ay 4 sano oo xarig ah lagu xukumo hadii lagu helo danbigaasi sida uu qabo sharciga Spain. Messi, oo bishaan da' ahaan noqonaya 26 sano jir, wuxuu ka mid yahay 10ka ciyaarayahan ee ugu mushaarka badan adduunka islamarkaana sanadkii mushaar u qaata in ka badan $20 million, sida ay leedahay Forbes magazine.