Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kalfadhigii 19aad ee ay Yeeshaan Golaha Fulinta Xukuumada DDSI oo Ka Dhacay Maanta Qolka Shirarka Madaxtooyada

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti June 15,2013.Waxaa maanta ka dhacay Qolka Shirarka ee Xafiiska Madaxweynaha DDSI kalfadhigii 19aad ee ay isugu yimaadaan Golaha Fulinta xukuumada DDSI(Capinet) iyadoona uu Shirgudoominayay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud cumar. Kulankan ayaa maanta ay horyaaleen Qodobo Ama Agendayaal ay ka mid yihiin soo gudbinta iyo ka wadahadalka Halbeega Warbixinta Waxqabadka Sanadmiisaaniyadeedka 2005.T.I ee Dabayaaqada ah iyo Waxqabadka Sarkaalada hantidhawrka Gudaha ee Xafiisyada heer Deegaan(Internal Audit).

Madaxweynaha DDSI ayaa si Qotodheer uga warbixiyay Waxqabadkii Xukuumada DDSI sanadkan 2005.T.I ee ku wajahnaa Qorshayaasha Dhinacyada Horumarinta,N/galyada iyo Maamulka Suuban isagoona madaxweynuhu sheegay in Guud ahaanba Qorshayaashii u Qorshaysnaa Xukuumada DDSI sanadkan sidii loogu talogalay ay ku soo gunaanadmeen(Loo Fuliyay).

Kulankan ayaa ay masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan ku soo bandhigayeen  warbixinta Waxqabadka qorshayaashoodii habkii ay u qabsoomeen ayaa waxaa maanta galinkii hore soo bandhigay waxqabadkiisii 11 bilood xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga oo uu soo jeediyay waxqabadkaasi wasiirka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumrinta reermiyiga mudane c/risaaq cali baashe. Ka dib markii uu goluhu dhagaytay warbixintaasi su’aalana laga waydiiyay wasiirka warbixintaasi ayaa waxaa uu goluhu u codeeyay warbixintaasi codbuuxana lagu meermariyay warbixintaasi.

Sidoo kale waxa uu goluhu ka dooday islamarkaana siwayn u gorfeeyay ka wada hadalka Waxqabadka iyo Tayada Sarkaalada u xilsaaran hanti dharwrka gudaha Xafiisyada Heer Deegaan(Internal Audit) iyo Habka Raadraacyada iyo Tebinta Hantida Dawlada,iyadoona uu Hantidhawrka Guud ee DDSI Mudane Axmed Ibraahin uu ka xogwaramay waxqabadka Hantidhawrada Gudaha Xafiisyada iyo Doorkooda ku aadan ilaalinta iyo dabagalka Hantida Dawlada(Shacabka) ayaa mar uu ka hadlayay sheegay in xafiiska Hantidhawrka Guud oo ka duulaya Daraasaad uu ku sameeyay waxtarka iyo faaiidada ay hantidhawrka gudaha u leeyihiin dabagalka Habsami u isticmaalida Miisaaniyada iyo hantida Shacabka in xafiisku dadaal u galay in ay Hantidhawrada Gudaha Xafiisyada Heer Deegaan(internal Audit) oo Hore u hoostagi jiray Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI laga soo wareejiyay oo ay Hoostagaan wakhti xaadirkan Xafiiska Hantidhawrka Guud taasoo fududaysay Tayada Shaqada Hantidhawrka,Dabagalka iyo Diiwaangalinta warbixinada Hantidhawrka Idman.

Mar uu ka hadlayay Shaqada Hantidhawrada Gudaha(Internal audit) loo idmay ayaa waxa uu tibaaxay sida ku qoran Shaqo qeexida Internal Auditka Heer deegaan iyo heer Federalba in ay xafiisyada Dawlada kala taliyaan Habsami u isticmaalida Miisaaniyada,Diiwaangalinta Raadraacyada Dhacdooyinka Iibka,habka Diwaangalinta Xisaabaha laba tibixlayda ah iyo Guud ahaanba ku dhaqanka iyo hirgalinta xeerarka isticmaalka iyo Diiwaangalinta Miisaaniyada sida ay dhigayaan xeernidaamyeedyada iyo Awaamiiraha Qulqulka Miisaaniyada iyo Raadraacyada Cadaymaha Gelid,Bixid,expenses ama Suspend Acc(Xisaabaha Taagan).

Mudane Axmed ayaa islamarkaana sabab uga dhigaya in waajibaadka shaqo ee h/dhawrada gudaha & kaalinta ay kaga jiraan qaabdhismeed dawlada deegaanka & ta federalkaba ay tahay in ay xafiisyada kala taliyaan habsami u isticmaalka miisaaniyada iyo guud ahaan xakamaynta jawiga gudaha Ugu damabayntii ka dib markay golaha h/fulintu iyagoo ka duulayay warbixinta Hantidhawrka guud uu ka soo jeediyay Nidaamka Shaqo ahaan ay Hantidhawrada Guduhu u hoostagayaan isagoo bayaanadii,xeernidaamyeedyada iyo Habka Xidhiidhka shaqo ee Tooska iyo Dadban ee Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo hantidhawrada idman laga duulayo ayaa ay wadajir u gorfeeyeen falanqaynta Tayaynta waxqabadka Hantidhawrada Gudaha ee xafiisyada islamarkaana uu Goluhu Cod buuxa ansaxiyeen in hantidhawrada Gudaha ay Hoostagaan Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo Gudiga dabagalka Xafiiska Maamulka DDSI kana wada shaqeeyaan Sugida Isticmaalka Hantida dawlada.

Dhanka kale Shirkan ayaa lagaga wadahadlay qodobo kale oo muhiim u ah Dardargalinta Waxqabadka Xukuumada Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban.