Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland State oo Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addisababa(Bole International Airport) Kana Soo Kicitimay Gagida Diyaaradaha Kismaayo.+(SAWIRO)

Addis-Ababa(CakaaraNews) Axad June 16,2013.Waxaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah(Bole Int,Airport) ee Caasimada Dawlada Federalka Itoobiya ee Magaalada Addis-Ababa Wafti Baaxad wayn oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland State oo Dhawaan ay u Doorteen Ergooyin isugu jiray Hogaaminta Dhaqanka,Aqoonyahan,Siyaasiyiinta,Qurbajoogta iyo Qaybaha Bulshada ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,iyadoona uu Waftiga Wafdiga Madaxweynaha JLS uu ka kooban yahay 11-xubnood oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Aw-Libaax,General darwiish,Aw-Yuusuf,Col,Cabaas iyo Duq Fiiloow.

Waftigan uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland State Sheekh Axmed Madoobe ayaa Waxaa garoonka Bole-international Airport ku soo dhaweeyey Madax Sarsare oo Ka Mida DFI iyo masuuliyiin.Hogaaminta Dhaqanka iyo Shacab aad u Tiro badan watayna Calamada DFI,ka DDSI iyo Ka JLS  oo ka kooban qaybaha Bulshada ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka.

Ilaa iyo Hada lama shaacinin Ujeedada Socdaalka waftiga Maamulka Jubaland iyo Madaxda DFI dhexmari doona ama qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadli doono,balse waxaa la ogyahay kaliya in Waftiga Maamulka Jubaland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Sheekh Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) in ay Casuumaad ka heleen DFI.

wixii ka soo Kordha waxaad kala socon doontaan wariyayaasha Shabakada Cakaaranews oo Heegan ku ah magaalada Addis-ababa sidii ay Macaamiishooda ku taxan Shabakada Cakaaranews uga haqabtiri lahaayeen kulamada dhexmari doona Waftiga iyo Madaxda DFI.