Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xulka Kubada Cagta Dalka Itoobiya oo Ku Durduriyay Xulka Dalka Koonfur Adrica Kagana Badisay 2-1.

Addis-Ababa(CakaaraSport) Axad June 16,2013.Waxaa Galabta ku Dhexmartay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Addisaba Ciyaar Kulul oo ay Iskaga Hor yimaadeen Xulalka Dalka Itoobiya iyo Koonfur Afrika Isreebreebka Ciyaaraha Aduunka halkaasoo ay koox waliba ku soo bandhigtay Wixii ay Xeelad iyo Ciyaar Awoodeed ay haysay.

Ciyaartan Galabta ku Dhexmartay Addisababa Xulalka Qaranka DFI iyo Koonfur Afrika ayaa ay Taageerayaasha Itoobiya Buuxdhaafiyeen Garoonka islamarkaana ay Taageero isugu jirtay Codad Dhaadheer,Caroog ay kaga dhawaajinayeen iyo Calamo ay ku tirtisinayeen Xulka Qaranka DFI,iyadoona ay Taageerayaasha Itoobiya ay ku dhamaysteen 90kii daqiiqo taagni markii uu garoonku buuxdhaafay islamarkaana galabta labisnaa dhar ama maaliya Midabyo kala duduwan leh.

Ciyaartan ayaa ku soo gababgabowday 2-1 ay ku badisay xulka qaranka dalka DFI oo uu goolkii uGu horeeyay Xulka Itoobiya u dhaliyay Geteneh Kabade Daqiiqadii 42aad halka uu ka dib markii uu goolka badinta uu ku farkanaxay weerar ay ku soo qaadeen dhalinyarada itoobiya dhanka xariiqa 18aad oo uu mid ka mida ciyaaryahanada Dalka South africa Bernand Parker uu daqiiqadii 70aadMadaxa kubada ku dabamariyay Goolhayaha Dalkiisa halkaasna ciyaartii saldhigtay Xulka Itoobiya oo Dhaliyay 2 Gool iyo xulka koonfur Afrika oo la Hoyday Hal Gool waana markii 1aad taariikhda ay Xulka Itoobiya u gudbaan ciyaaraha Aduunka.