Waxgaradka,Odoyaasha,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Beesha Bartire oo Tilmaamay Farqiga Jigjigadii Hore iyo Ta Maanta iyo Taageerada Maalgashiga iyo Xukuumada DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin June 17,2013.waxaa shir-balaadhan oo ay isugu yimid Odoyaasha,Waxgaradka,Aqoonyahanka,ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha Bartire ee ku dhaqan Magaalada Jigjiga isugu yimid shir uu Garaadka Beesha Absame iyo adeerkood garaad maxamuud garaad Dool garaad Xirsi  Goobjoog ka ahaa,kuwaasoo ka wada hadlayay Sii xoojinta Hindisayaasha Horumarineed,Nabagalyo iyo Doorka kaga aadan Beesha badhigantaalida Taabogalinta Isbedelada iyo Kobaca dhaqaale ee Xawliga ku socda. Waxgaradka beesha ayaa tibaaxay Farqiga u dhaxeeya itoobiyadii Hore ee Cadaadiska ku Dhisnayd iyo Itoobiyada maanta ee Dimoqraadiyada,wadanoolaanshaha,Sinaanta,Xaqdhawrka Qowmiyadeed iyo aqoonsigaba laga helay kuna baaqay in aan la baylihinin fursadaha Horumar Dimoqraadiyadeed iyo kobaca dhaqan dhaqaale. Isbarbardhiga Xukuumadihii Hore iyo Xukuumada Maanta ee DDSI soo maray.

waxgaradka beesha ayaa si xeeldheer uga munaaqashooday in ay xukuumadihii ka horeeyay Xukuumada Maanta ka talisa DDSI ee Hogaankeeda hayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar in ay ka gaabiyeen in Guud ahaan Shacabwynaha DDSI gaar ahaana Shacabka xarunta Gobolka faafan ugaga faaiideeyaan Fursadaha Horumar Dimoqraadiyadeed wax ka qabtaana Adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha Dhaqaale ee ay Bulshadu u oomaynd kuwaasoo uud ahaanba dayacay Masuuliyadii ka saarnayd Habsami u hogaaminta xaqsoor cadaaladeed ee Shacabka islamarkaana iska daa Shacab ay wax u qabtaan ama horumar gaadhsiiyaane aananba garawsanayn Xilku waxa uu yahay waxa ay tahay jawaabta baahida shacabku,balse waxaa Tayoxuadii maamul ee soo jiitantay mar kaliya Xididada u siibay soona afjaray Qawda maashii waxna ha u qaban XDSHSI iyo Xukuumada uu Hogaaminayo Mudane madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo markii ugu horaysay ka jawaabtay Baahidii Shacabka Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Faafan.

waxgaadka beesha ayaa ka marag kacay in ay Xukuumada maantu tahay tii ugu cadaaladsanayd uguna waxqabadka fiicnayd ee soo martay Deegaanka taasooy daliil uga dhigeen Isbedelad Horumarinee iyo Kobaca Dhaqan Dhaqaale ee Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Magaalada jigjiga ka muuqata Jigjigadii Hore iyo ta maanta. Waxaynu wada osoonahay heerka ay Taagnayd Jogjiga Xiligii Taliskii Dhergiga iyo Xiliyadii Ay Deegaanka ka talinjireenba Xukuumadihii Fadhiidka ahaa iyo Heerka ay Maanta taagan tahay Taasoo ku timid Mudo Gaabandareenka Wadaniyadeed,Daacadeed,Cadaaladeed iyo hawlkarnimo ee uu madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar gaadhsiiyay una Huray maskaxdisa iyo wakhtigiisaba Mudadii yaayd ee uu Xilka Madaxweynaha hayay.

Odayaashan iyo waxgaradkan ayaa waxay sheegeen dhamaantood in ay xukuumada deegaanka Soomaalida Maanta ka talisa inay ku taageerayaan heerka horumarineed,N/galyo iyo Maamul Suuban ee ay wakhtigii yaraa ee ay haysay hogaanka deegaanka ay gaadhsiisay Dhamaanba bulshada deegaanka gaar ahaan bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka ee magaalada jijiga,marka laga eego dhinacyada horumarka,nabadgalyada,Bilicda iyo Kobaca Magaalada Jigjiga,maamulka suuban sidoo kalana taageero buuxda u haynaa Nidaamka Horumarineed iyo Maalgashi ee ka socda magaalada jigjiga ayay yidhaahdeen.

Dhanka kale waxgaradka,Aqoonyahanka,ganacsatada iyo odayaashan beesha bartire ayaa Carabka ku adkeeyay in in wakhtiyadii hore magaalada jijiga ahaan jirtay meel aan lagu tilmaami Karin Magaalo caasimad ah laakiin markii ay talada qabatay xukuumadan hada ka arimisa deegaanka ay xarunta DDSI ee jigjiga noqotay meel la tartami karta caasimadaha aduunka iyo Dalkaba,waxaanuna ku taageeraynaa ayay yidhaadeen waa xukuumaddii ugu horaysay ee muddo aad u yar gaadhsiisay in ay Noqoto Caasimada Bariga Itoobiya Noqotayna Sidii Jasiirad Waa Dhawayd uun la helay in ay Dhamaanba Qowmiyadaha DFI ay ku soo Qulqulaan una soo doontaan Khibrad iyo Waaya aragnimo.

Dhanka kale waaba markii ugu Horaysay ee lagu Qabto Deegaanka Soomaalida Itoobiya Xuska 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya Dhamaan Dawlada Federaalka Itoobiya,Hobolada ugu Caansan Itoobiya,Saxaafadaha DFI,Qorayaasha Caanka Ah,Madaxda Maamulada 9ka Deegaan ee DFI iyo Golaha Federationka DFI ay Si Muxubo leh uga marqaati kacaan Isbedelada Horumarineed,Dimoqraadiyadeed,N/gayo iyo Maamul Suuban ee ka Taabogalay Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Magaalada Caasimada Deegaanka ee Jigjiga waana Wax ay Guud ahaanba Shacabka Deegaanka,Gobolka Faafan iyo Degmada Jigjigaba Mahadinayaan Xaqsoorka Cadaalad Wadaniyadeed ee Maaxweyne CMC ayay yidhaahdeen.

Baaq:-Waxgaradka iyo Odoyaasha ayaa ugu baaqay Dhamaanba Qurbajoogta,Hantiilayaasha,ganacsatada,Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha in ay Taageero Hiil iyo Hooba leh la garab istaagaan Xukuumada Maanta Jirta iyo Qorshayaasha Horumarineed iyo Maalgashi ee ka Socda Guud ahaan DDSI gaar ahaana Jigjiga anagoona ka Markhaati kacayna Dhamaanba qodobada kor ku xusan ayaanu Qurbajoogta iyo Ganacsatada ugu baaqaynaa in ay Doorkooda ka qaataan Maalgashiga iyo Horumarka.

Cambaarayn:-Waxaanunan cambaaraynaynaa Cid kasta oo ka soo horjeeda Fursadahan dahabiga Horumarineed ee ay Ku talaabsatay magaalada Jigjiga kana xun Heerka,Kobaca iyo Bilicda Horumarineed ee ay Jigjiga maanta ku talaabsatay kuwaasoo ka soo jeeda dadkii ku dul-noolaa shacabka Jigjiga(Rent Seeker) ahaana kuwa ka soo hadhay Dhergigii ama aaminsan ayay ku soo gunaanadeen.

Garaadka Beesha Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Doolayaa kula dardaarmay Guud ahaan Soomaalida ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay gaar ahaana beesha absame iyo adeerkood in ay udub-dhexaad adag u noqdaan ka qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba