Shir Lagu Qiimanayo Waxqabadkii 11ka Bilood ee Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo 4ta Ismaamul Magaalo oo Maanta Ka Furmay Hoolka Shirarka(SMCX).

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin June 17,2013.Waxaa maanta galinkii hore ka furmay hoolka shirarka ee SMCX shir lagu qiimaynayay waxqabadkii Sanad- miisaaniyadeedka 2005 ee 11ka bilood ee Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo 4ta Ismaamul Magaalo ee DDSI,islamarkaana ay qiimayntan oo uu hogaaminayay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay ka soo Qaybgaleen Madaxweyne kuxigeenka ahana wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha (Hawlaha Guud) Mudane C/xakiin Cigaal Cumar,Wasiirka Madaxtooyada DDSI Mudane C/casiis Maxamed,Gudoomiyayaasha 9ka Gobol,Gudoomiyayaasha 68da Degmo,Capinetka Degmooyinka iyo Mayorada 4ta ismaamul magaalo(JJ,Q/dahar,Godey iyo Dh/buur).

Shirkan qiimayna waxqabadkii 11 bilood ee sanad miisaaniyeedkan hada dhamaatay ayaa waxaa diirada lagu saarayay wixii ay gobolada degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka ka qabteen dhamaanba qorshayaashii horumarineed,nabadgalyada iyo maamulka Suuban Natiijo horumar shaqo wixii uga qabsoomay iyo Waxa aan uga Qabsoomin iyo Waliba Sababta oo macquul ah.Sidoo kale Qiimayntan ayaa Halbeegeedu yahay Nidaamka Shaqo,Iskaashi,Wadatashi,dabagal iyo Gudi ku shaqaynta Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo Maamulada Magaalooyinku ilaa baaxada uu ka jiro in uu yahay Nidaam Transparency Wadaag ah iyo in Amar ku taaglayn Maamulada ka jirto.

Madaxweynaha ayaa Tibaaxay in Guud ahaan Xukuumada ilaa heer Tuulo looga baahan yahay Hirgalinta Natiijo Waxqabad Shaqo oo la taaban karo una horseeda Shacabweynaha Deegaanka Horumar Taam ah,N/galyo iyo Kobac Dhaqaale ay Shukaanteeda hayaan Maamul Suuban oo Tayo iyo Karti waxqabad ka madax banaan eex,Qabyaalad,Musuq iyo Danaysi leh. Dhanka kale madaxweynaha ayaa Carabaabay in guud ahaanba gobolada,degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka deegaanka DDSI ay waxqabadka dhinacayada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ay marayso meel aad u saraysa islamarkaana loo baahan yahay in siwayn loo sii dar dargaliyo wax kasta oo lid ku ah horumarka nabadgalyada iyo maamulka suubana aan loo dul qaadan doonin isaga oo madaxwaynuhu hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in waxyaabah sida gaarka ah diirada qiimaynta loo saaridoonaa uu yahay dhinaca biyo ururinta maadaama oo ay xukuumadu xooga saartay dhinaca biyo ururinta iyo Helida Shacabka biyo Nadiif ah,sidoo kalana waxaa kaloo shirkan lagaga hadli doonaa waxqabadka iyo awoodaha hantidhawrka Gudaha(Internal Audit) ee xafiisyada si loo tayeeyo waxqabadkooda ku aadan koontaroolida hantida iyo Miisaaniyada Dawlad ayuu yidhi madaxweynuhu.

Shirkan qiimaynta waxqabadkii SM 2005ta ayaa waxaa la filiyaa in uu maalmahan socondoona maadaamo oo degmo iyo Gobol kasta la dhagaysan doono warbixinta waxqabadkii dhinacyada mashaariicaha horumarineed 11kii bilood ee sanadmiisaaniyadeedka 2005.T.I maadaama lagu jiro Dabayaaqadii sanadkan loona diyaargaroobayo Qorshyaasha Sanadka 2006.