Madaxa Xafiiska Dakhliga Degmada Tulli-Guuleed Cabdi C/laahi oo Waraysi Siiyay Shabakada CakaaraNews Kana warbixiyay Heerka canshuuraaka Dakhliga.

Tulli-Guuleed(CakaaraNews) Arbaco June Waxaa waraysi baladhan siiyay Shabakada Cakaaranews.com Mudane Cabdi C/laahi Maxamuud oo ah Madaxa Xafiiska Dakhliga Degmada Tulli-guuleed oo ka mid ahaa madaxdii Dakhliga ee Dhawaan Dibucurashada lagu sameeyay taaasoo wax wayn ka tartay Taabogalinta Adeeshaqo tayo leh oo ay helaan shacabka deegaanku kana madax banaan musuq,eex,qabyaalad iyo Dayacaad shaqo.

Mudane Cabdi C/aahi Maxamuud ayaa hore u ahaa madaxa dakhliga Maamulka Magaalada Jigjiga isagoona Mudadii yarayd ee uu joogay lagu wada xasuusan karo heerka iyo kobaca dakhli ee uu gaadhsiiyay Magaalada jigjiga soona xareeyay Dakhli aaad u farabadan oo Mashaariicaha Horumarineed,Kobaca iyo bilicda magaalada Jigjiga Door wayn ka qaatay.

hadaba wariyaha Cakaaranews oo fursad u helay Madaxa Dakhliga Degmada Tulli-Guuleed oo dhawaan mar ay Xafiiska Dakhliga DDSI ka warbixinayeen lagu xusay Waxqabadka Yididiilada leh ee uu Mudane Cabdi C/laahi kaga soo xareeyay Dakhli aad u badan oo aan hore looga Baran in laga soo xareeyo Tulli guuleed taasoo daliil u ah heerka isxilqaanka,daacadnimada,wadaninimada,hawlkarnimada iyo dareenka lahaansho ee madaxa dakhliga tulli guuleed ayaa uu wariyaha cakaara wax ka waydiiyay Mudane Cabdi c/laahi Heerka Dakhliga Degmada Tulli guuleed uu marayo sanadkan dabayaaqada ah.

Mudane Cabdi C/laahi ayaa ku bilaabay warbixintiisa waxaan marka hore u mahadcelin iyo bogaadin u soo jeedinayaa bahda Shabakada Cakaaranews.com sida haboon ee ay uga warhayso Deegaanka isuguna taxaluujiso ka warhaynta Horumarka Deegaanku ku talaabsaday mudadii yarayd ee ay jirtay xukuumada Maanta Hogaanka DDSI haysa.

Mudane Cabdi C/laahi waxqabadka xafiiska Dakhliga Degmada Tulliguuleed waxa uu ku talaabsaday mudadii yarayd ee 8da bilood ahayd iyadoona Degmada Tulli Guleed ay kamid ahayd 15kii Degmo e dhawaan Baarlamaanka DDSI ansaxiyay lana garan karo in aanu hore u jirin Nidaam Shaqo ayaanu Awoodayadii iyo Wakhtigayagiiba isugu gaynay in aanu Samayno Nidaam Shaqo oo Qayb ka noqda Maamulka Suuban kana midho dhaliya Hindisayaasha Horumarineed,Qorshaha GTP iyo ka SPMka DDSI si loo abuuro ilo dakhli oo wax loogu Qabto Adegyada Aasaasiga iyo kaabayaasha Dhaqaale. Mudane Cabdi C/laahi Degmada Tulli Guuleed ayaa Guud ahaan ku talaabsatay Horumar xawli ah Gaar ahaan xafiiska Dakhliga Degmada oo soo xareeyay Dakhli aad u Tiro badan iyadoo 11kii bilood ee ina soo dhaafay ay Degmada u qoondaysnayd in ay soo xaraeeyaan Dakhli dhan 11,000,000 halka sanadkana ay k noqonayso 12 milyan balse dadaal xoogan aanu u galnay in aanu ku soo xarayno dakhli Dhan 4,296,849.71(Afar Milan laba boqol sagaashan iyo lix kun,sideed boql afartan iyo sagaal 71cents) 11 bilood bisha ka hadhay sanad miisaaniyadeedkana aanu Qorshaysanay sidii aanu Guntiga dhiisha isaga dhigi lahayn in aanu sii labanlaabno Dhakhli aruurinta Canshuuraadka baaqiga ku ah ganacsatada,shirkadaha,beeralayda iwm taasoo u dhiganta in aanu Qoondayntii ka fulinay 11kii bilood 39.06% ayuu yidhi.

Muadne Cabdi C/laahi oo ka warbixinaya Ilaha Canshuuraadka Dakhliga laga soo aruuriyo Degmada Tulli Guuleed ayaa tibaaxay in ay ka mid yihiin Canshuurta Jaadka,Royality-tax,canshuurta Beeraha iyo Xoolaha,canshuurta Cagafyada beeraha,canshuurta Mushaarka,canshuurta ganaaxa Maxkamadaha,canshuurta Kirooyinka kala duduwan,canshuurta Macaashalmacaashka iyo qaybo kale anagoona Xafiiska wakaalada Dakhliga DDSI u soo shubnay Dakhli Dhan 1,533,772bir ayuu yidhi.

masuulka ayaa ku soo gunaanaday warbixintii in ay Jireen Xadaynta Canshuuraadka Dakhli ee loo qoondeeyay Tulli guuleed oo xili danbe la sameeyay,xafiiska oo aynan hore uga sii jirin shaqaale,gaadiid la'aan,iyo nidaam iyo Degmada oo cusbayd.