Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Komishinka Anshaxa iyo Ka Hortaga Musuqa oo Tababar Ku Saabsan Wacyagelin iyo Digniinaha Musuqa u Qabtay Gudiyada La Dagaalanka Musuqa ee Dhawaan Laga Abuuray Xafiisyada Heer Deegaan.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis June 20,2013.Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa E Ddsi Oo Ka Duulaya Hirgelinta Qorshayaashiisa Shaqo Ee Ah Sidii Uu Bulshada Ku Dhaqan Guud Ahaanba Degaanka Somalida Itoobiya Uga Wacyi Gelin Lahaa Khatarka Iyo Cawaaqib Xumada Ka Dhalankarta Musuqa iyo Turonturooyinka uu ku yahay Taabogalinta Horumarka iyo Isbedelada Kobaca Dhaqaale Ayaa Ilaa Iyo Intii La Aas Aasay Waday Kulamo iyo tababro Uu u Qabanayey Dhamaanba Madaxda,Agaasinada,Gudiyada Xafiisyada iyo Dhamaanba Shaqaalaha iyo qaybaha Bulshada oo uu uga Digayay Cawaaqi-xumada iyo Turunturada Musuqu ku hayo Isbedelada Horumarineed iyo Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale Hirgalintooda.

Hadaba Tabarkan oo Ah Mid lagu sugayo Natiijada waxqabadka Shaqaalaha Qaab-dhismeedyada Dawlada ee ka jira Heer Deegaan ayaa loo Qabtay Gudiyada laga Abuuray Xafiisyada Heed Deegaan oo Qaabilsan ka Hortaga Musuqa iyadoona uu Xafiisku hada ka hor u qabtay Kulamo wacyigalin Hogaaminta Sare Ee Xukuumada DDSI Shaqaalaha Ka Hawlgala Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI Komishinka Booliska DDSI Gudiyada Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa Ee Laga Yagleelay Xafiisyada Heer Degaan. Dhanka kale Tababakan ayaa ay Dulucdiisu tahay Sidii Gudiyada fahan buuxa looga siin lahaa heerarka Musuqa,Calaamadihiisa iyo hababka looga digtoonaado amaba lagu dabagalo Raadadka Musuqa taasoo furitaankii tababarkan uu faaiidada tababarka iyo La Dagaalanka Naafeeyaha Horumarka ee Musuqa uu ka siiyay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Anshaxa iyo Ka Hortaga Musuqa C/Laahi Xirsi.

Isku Soo Wada Soohoo Tababarkan Oo Ay Casharada Ay Bixinayeen Khabiiro Ku Xeeldheer Arrimaha Musuqa ayaa Gudiyadan laga yaglleelay Xafiisyada Heer Deegaan ay Ka heleen Macluumaad Badan oo ay Umada ugu Adeegi doonaan.