Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha DDSI oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Qurbajoog u Dhalatay DDSI Gaar ahaan gobolka Shabeelle.

Jigjiga(cakaaraNews) Khamiis June 20,2013.Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay wafti Qurbajoogta Deegaanka ah Gaar ahaan Gobolka Shabeele oo maalmahanba Booqasho ku Joogay Caasimada DDSI ee Magaalada Jigjiga iyadoona ay Wehelinayeen Qurbajoogta Maanta uu Qaabilay Madaxweynuhu Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Sonkor iyo Maareeyaha Wakaalada Qurbajogta.

Madaxweynaha ayaa u muujiyay Qurbajoogta Soo dhawayn heer sare ah ka dibna uga xogwaramay Sooyaalkii taariikheed ee uu Deegaanku soo maray,Fursadihii Horumar Dimoqraadiyadeed ee la dayacay iyo Hagardaamooyinkii ay nabad-diidku dhaxalsiiyeen Shacabka iyo Horumarka Deegaanka,islamarkaana Sharax Guud ka bixiyay Heerka Waxqabadka Xukuumadiisu gaadhsiisan tahay Dhanka Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlayay Dhinaca maalgashiga Deegaanka ayaa uu Yidhi Xukuumadu waxay mar kasta Diyaar u tahay Soo dhawaynta Qurbajoogta,Maalgashiga iyo Cid kastoo danaynaysa in ay Maalgashato Deegaanka iyadoona Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay looga fadhiyo ka qaybqaadashada Doorka kaga aadan Horumarka iyo Maalgashiga ayuu yidhi M/w.

Dhanka Qurbajoogta oo ay ka hadleen xubno uu kamid yahay Ugaas Maxamuud Muxumed qani ayaa aad ugu mahadceliyay madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba sida Qalbiga furan ee ay u soo dhaweeyeen islamarkaana wadar ahaantood ka marag kacay isbedelada Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale ee ay Xukuumada DDSI mudadii yarayd ee jirtay ku talaabsatay.

Sidoo kale sheikh ka mid ahaa Qurbajoogta ayaa isbarbardhig ku sameeyay Jigjigadii Hore ee uu yaqaanay iyo Jigjigada maanta uu boooqashada ku yimid ayaa waxa uu yidhi” waxaa jigjiga iigu danbaysay xili uuna qofka soomaliga ah ee deegaanka u dhashay uuna waxba ka ahayn iska daa wax uu ka ahaadee uuna xor u ahaan jirin ku noolaanshaha deegaanka oo uu ahaa qof laajiya sidoo kalana Qofka Soomaaliga ahi uunan xor u ahaan jirin in uu Luqadiisa ku hadlo koriyana Dhaqankiisa waana ilaahay mahadiis hadii maanta aynu Helnay Xornimo Buuxda,Aqoonsi Qowmiyadeed iyo Ismaamul Dawladeed oo inoo gaaar ah oo uuHogaankeeda hayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.