Mayorka Maamulka Magaalada Dh/buur oo Saxaafada u Soo Bandhigay Heerka Ay Marayaan mashaariicaha Horumarineed ee Laga Hirgaliyay magaalada Dh/buur.

Dh/buur(cakaaraNews) Khamiis June 20,2013.Mayorka maamulka magaalada Dh/buur ayaa saxaafada u sheegay Heerka ay taagan yihiin Mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay magaalada dh/gaxbuur kuwaasoo isugu jira Dhismayaasha wadooyinka la goglo dhagaxa qoran (Cobble Stone),dhismayaasha Xafiisyada Cusub Ee maamulka magalada Dhagaxbuur iyo Qorshe hagaha Mastar-planka Jid bixinta iyo Hawlo Dayactir ah kuwaasoo ay Qaarkood mashaariicdan Dhamaadeen 100%80 boqolkiiba Sedeetan Gaar ahaan Jid bixinta mastar-planka iyo Dhismayaasha wadooyinka Dhexmara Magalada ayaa uu Sheegay mayorku.

Mayorka ayaa intaa ku daray in Mashaariicdan oo ay Hirgaliyeen maamulka Magalada Dhagaxbuur Ayaa dhanka kalana waxaa Shaqo Abuur ka helay Dad ka badan Kun Qof ka dib markii loo sameeyay Iskaashatooyin yar yar oo Farsmada gacanta Gaar ahaan Samaynta Wadooyinka iyo Dhismayaasha taasoo wax wayn ka tartay habnololeedkooda Qoys iyo kobaca dhigaalka,islamarkaana ay ka heleen Xafiiska maamulka Magalada Dh/buur hanti lacageed oo Gaadhaysa laba milyan (2,000,000) oo Birr Tasoo Kasoo gashay Iibka Dhagaxa Ay Qoreen iskaashatooyinkani oo uu maamulku ka iibsaday.

Dhaqaalaha Ku baxaya mashaariicdan Ayaa ah lacagtii ay uqabatay Xukumada DDSI Ee Horumarka Magalada Dh/buur tasoo Dhan lix iyo Sodon milyan (30,000,000) waxaana ilaa iyo hada xadhiga laga jaray 20km oo ah Dhismo wadoyin cusub iyo Dayactir mashaariicaha kale Ee bulshada looga faa`iideyay oo Sidii loogu talo galay Usocda waxaa kamida Alaada Solarka laydhka kaydsata Cad-ceeda maalinkii Habeenkiina bulshadu Ay ka hesho Iftiin Tasoo magalada Dh/buur Ay tahay Magaaladii ugu Horeysay Ee Nasiibka U yeelatay in ay hesho isticmaalka laydhka ku shaqeeya cadceeda.

Dhanka kale mayorka ayaa carabaabay in mashaariicaha kale Ee maamulka magalada Dh/buur ka wado magaalada ay ka mid yihin dhismaha Xarumaha Xanaanada iyo Abuurka Dhirta(nursery) tasoo Qayb ka ah Ilaalinta Deegaanka iyo bilicda Magalada Dh/buur sida Uu noo Xaqiijiyay Maayarka Magaalada Dh/buur Mudane Cabdi Xasan.

Mudane Cabdi xasan ayaa ku soo gunaanaday warbixintiisii in ay Dhamaan Mashaariicaha Horumarka ka socda magaalada Dh/buur sida biyaha ,waxbarashada ,Caafimaadka iyo Dhinacyada waxsoosaarka Ayaa Kusocda Qaab xawli ah Tasoo ku diirsatay Bulshada Ku Dhaqan Magalada Dh/buur oo kasoo kabsatay Dib Udhacyadii Hore :Qore Axmed Kaabe