Mashaariicda Horumarineed ee Qaybta PSNP Degmada Afdem oo La Soo Gunaanaday Hirgalinta Mashaariicahii u Qorshaysnaa Sanadkan 2005.T.I.

Afdem(CakaaraNews) Jimce 21,2013.Sarkaalka u Qaabilsan Xafiiska Maaliyada Degmada Afdem Hirgalinta Mashruuca PSNP Mudane Mustafe Cabdi Dayib ayaa uga xogwaramay Wariyaha Cakaara in Ay Soo gunaanadeen Dhamaanba Hirgalinta Qorshaysnaa Sanadkan 2005,T,I mashaariicahaasoo laga waday Tuulooyinka Hoos Yimaada Degmada Afdem ee Gobolka Siti kana mid yihiin qabalaha cali jiir, salaxdameer, dhankaroone, iyo casli. Sarkaalka ayaa Sheegay in Mashaariicaha laga Fuliyay 4ta Tuulo ee kor ku xusan in ay kala ahaayeen 4 Kabale Office(Tuulo) iyo 2 Xarun Caafimaadka Dadka ah (Health Post) iyo Bakhaarka lagu kaydiyo Raashinka.

Masuulka ayaa carabaabay in ay fulintooda ay qayb ka ahaayeen ka qaybgalka shacabka deegaanadaas maadaama ay bulshadu ka faaiidaysan doonto si ay Shacabku u dareemaan(Commitment) ama lahaansho iyagoona xoogooda waxogaa incentive ah lagu siinayay ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo(Households) lagu siinayay Dadka ka qaybgalay Hirgalinta Dhismayaashan oo dhanaa 32,624 qof(Food For Work) mudadii ay ku jireen dhismayaasha mashaariian.

Masuulka ayaa tibaaxay in mashruucan PSNP ay wadajir u fulinayaan labada Xafiis ee kala ah xafiiska xolaha iyo beeraha iyo xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha dagmada Afdem,iyadoona ay ujeedada mashruucani tahay in ay dhamaanba ka faaiidaystaan mashaariicaha dadweynuhu si loo yareeyo Damaanada Cuntada(Food Security) iyadoo loo dhisayo Iskuulo,xarumo Caafimaad,Helida Biyo Nadiifa iyo ilo dhaqaale oo loo abuurayo Bulshada kuna baxday Mashaariicahan Sanadkan Aduun lacageed oo Gaadhaya2,567,890.00 deeqdan oo lagahelay USIAD...iyo deeq-bixiyayaa lkale ayaa uu ku soo gunaanaday...