Man-United oo Qarka u saaran inay kala soo wareegaan Thiago Alcantara Kooxda barcelona.

Uk(CakaaraSport) Jimce june 21,2013.Kooxda shadaadiinta cas-cas ee Man-United ayaa si adag ugu raad jooga inay la soo wareegto Cayaaryahanka khadka-dhexe uga cayaara kooxda Barcelona ee Thiago Alcantara. Manchester ayaa la soo wareegida xdigan ay ku kacaysaa Aduun lacageed oo gaaraya 17-Malyan oo Pound heshiiskan,inkastoo Barcelona ay weli ku adkaysnayso inuusan iib ka aheyn Cayaartooygan,waase hadii aysan Man-United bixin lacag looga samri-karo inay la wareegaan Laacibkan.

Dhinaca kale Man-City ayaa dhankeeda qal-qaalo iyo xodxodasho ugu jirta inay Laacibkan madaxiisa lacago dhul-dhigaan,inkastoo kharashka ay bixinayso Man-United uu ka badan-yahay midka ay la soo shir-tagtay Man-City. Isku soo wada-duboo maalmahan ayaa lakala ogaan doonaa in Barcelona ay Man-United ka iibiso Laacibkeeda Thiago Alcantara