Xulka Qaranka Spain oo Lagu Dhacay Mid Ka Mida Hoteelada Dalka Brasil Mar ay ka Maqnaayeen Hotelka.

Brazil(CakaaraSport) jimce 21,2013.sida lagu xardhay mid ka mida jariiradaha ka soobaxa Brazil Tuugo Baraaziliyiin ah ayaa u dhacday Hotel ay deganaayeen cayaartoydda Dalka Spain oo ka qeyb-galaya Koobka loo yaqaan (Confederatinon-Cup)oo ay 6-da Qaaradood ee Caalamku ka qeyb-galayaan . Hanti isugu jirta lacago,Kaarar-Bangi iyo Moobeeylo ayaa sida la sheegay laga dhacay Cayaartooyda Dalka Spain xili ay ka maqnaayeen Hoteelka ay ka deganaayeen dalka Brazil.

Dhanka kale waxaana dhaca ugu weyn iyo khasaaraha uu soo gaaray xidiga Reer Barcelona Gerard Pique oo lacago badan laga xaday isaga,Booliiska Magaaladda Recife ee falkan Tuugada ah uu ka dhacay ayaa hadda baaritaan igi jira dhacdadan,iyadoona falkan tuugnimada ay ka cadhootay Ururka FIFA oo ku booriyay Booliiska Brazil inay isha ku-hayaan amniga Hoteeladda ay degan-yihiin Cayaartooyda Heer Caalami.