Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ololaha Talaalka Cudurka Teetanada Haweenka ay Da'doodu u Dhaxayso 15 ilaa 45 oo ka socda Magaalada Qabridahare.

Qabridahare(CakaaraNews) Jimce 21,2013.kusimaha xafiiska Caafimaadka Degmada qabridahare Mudane Cabdulaahi Cashar ayaa wariyaha cakaara uga xogwaramay in barnaamijka lagu fulinayo ka talaalida Cudurka Teetanada Haweenka ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 45 sano uu si fiican uga socdo dhamaanba Xaafadaha magaalada qabridahare,iyadoona uu talaalkani socday mudo todobaad ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in talaalkan ay ka faaiidaysanayaan Tiro haweenka qabridahare oo lagu qiyaasay tiradooda 14965 Haween oo helay talaalkan,iyadoona uu yahay Talaalkani wareegii labaad ee ku dhaco magaalada qabridahar. Guud ahaan talaalka teetanada ayaa laga hirgaliyay Magaalada Qabridahar iyo 11 ka mida Qabaleeyada ama senterada hoos yimaada magaalada qabridahare.

isku soo wada duuboo haweenka helay Talaaka Teenada ayaa Dhankooda bogaadiyay hawlaha caafimaadka la xidhiidha ee ay mar kasta ka helaan xafiiska iyo hawlwadeenada caafimaadka Degmada Qabridahare.