Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maamulka Gobolka Sitti oo Ku Hawlan Diiwaan-galinta 4kun oo Qoys oo Dibudejin Loogu Samaynayo Harawa iyo Gaabi oo Ka Kala Tirsan Degmooyinka Shiniile iyo Hadhagaale.

Sitti(CakaaraNews) Jimce June 21,2013.Masuliyiinta mamulka gobolka sitti oo uu horkacayey Gudomiyaha Mamaulka Gobolka Sitti mudane Cali Cumar aya tagay tulada Harawa oo ka tirsan Degmada Shinile waxayna kulan wacyigalin ah la yeeshen bulshda ku dhaqan tulada harawa Qaybaheeda kala duduwan oo ka mida meelaha Dibudejinta Qoysaska loo Qoondeeyay si loo dhimo Damaanada Cuntada(Food Security) iyo saboolnimada.

Gudoomiyaha Gobolka Siti ayaa tibaaxayaya sheegay in tuladan harawa oo ay kasocdon qodista 40 ceelasha dhadher kuwaso logutalagay warabka beeraha,Dadka iyo Duunyadaba,islamarkaana sheegay in bishan 11aad(Hamle) ee sanadkan ay Maamulka Gobolka Sitti u Qorshaysan tahay in la dejiyo Qoysas Dhan 2000 Tuulada harawa si looga dhigo xoolo-dhaqato-Beeraleey leh Nolol degan oo ay Xukuumadu ku soo gaadhsiiso dhamaanba adeegyada aasaasiga ah iyo qalabka Beeraha si ay u kafeeyaan Noloshooda waana mid ka mida Qorshayaasha xukuumadu ku dhimayso saboolnimada ayuu yidhi. Dhanka kale waftigan ayaa ka dib tagay Tuulada Gaabi oo ka tirsan Degmada hadhagaale kana mid ah Goobaha laga qodayo Ceelasha Gunta Dheer ee Biyaha Dhulka Hoostiisa iyadoona ay shacabku si heer sare ah u soo dhaweeyeen waftiga,islamarkaana codsaday in la soo dedejiyo Dibudejinta Qoysaska maadaama tuulada Harawo hore loo dejiyay qoysaskooda kana faaiidaysanayaan waxsoosaarka Beeraha Masnooyinka Harwa Mar uu Gudoomiyuhu saxaafada la hadlayay ayaa uu sheegay in Barnaamijka Dibudejinta Qoysaska DDSI ay xukuumadu Natiijo ku dayasho mudan ka gaadhay taasoo tusaale u noqotay dhamaanba dalka Itoobiya,iyadoona mashaariicaha balaadhan ee ka socda Gobolka Sitti ay ka mid yihiin Wadada Xadiidka(Tareenka),Dhismayaasha Haamaha Waawan ee Kaydka Biyaha,Dararka Xooluhu ka cabaan iyo Dadkaba,maadaama sanadka Danbe DDSI lagu qaban doono Xuska 8aad ee Qowmiyadaha ayaanu qorshaynay in dhamaanba la soo ajro inta ka horaysa ayuu yidi.

Isku Soo wada Soohoo Barnaamijka Dibudejinta Qoysaska Deegaanka ee Noloshooda loogu bedelayo Nolol Xoolodhaqato-Beeralay leh meel loogu soo hagaago Gacmahoodana kula soo baxaan waxsoosaarka Dalagyada Beeraha ayaa ay Xukuumada DDSI ay ku guulaysatay hirgalintiisii iyadoo Deegaano ka mida DFI oo aan weli hirgalinin ay u yimaadeen DDSI sidii ay Aqoon iyo Xirfad uga qaadan lahaayeen Deegaanka sida Canfarta.