Xafiiska Caafimaadka Degmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay oo 17 Tuulo ka Fuliyay Talaalka Teetanada Haweenka.

Shaygoosh(cakaaraNews) Sabti June 22,2013.Sida uu sheegay madaxa Xafiiska Caafimaadka Degmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay waxaa todobaad ka socday 17 Tuulo oo ka tirsan Degmada Shaygoosh Ololaha Talaalka Teetanada haweenka Da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 45 sano kuwaaso si wayn uga faaiidaystay. Sidoo kale waxa uu sheegay in talaalkan ay ka faaiidaysanayaan Tiro ka mida haweenka dhamaan Degmada shaygoosh iyo Tuulooyinka Hoos yimaadaba kuwaasoo lagu qiyaasay tiradooda 1360 Haween islamarkaana helay talaalkan ka hortaga cudurka teetanada haweenka ku dhaca.

masuulka ayaa intaa ku daray in adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan ay Meel fiican marayaan kuwaasoo isugu jira dawayn,baadhitaan,farmasiga dawaa,talaal,shaybaadh,Umusha iyo MCH hooyada iyo Caruurta ah.

Shacabka ku dhaqan shaygoosh iyo nawaaxigeeda ayaa aad ugu riyaaqsan tayada adeegyada ay ka helaan xarunta caafimaadka degmada Shaygoosh iyo xirfadlayaasha caafimaadkaba