Wadooyinka Xaafadaha Magaalada Jigjiga oo Ay Dhismayaal Dhinaca Goglida Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone) ay Ka Socdaan iyo Dhismayaal Kale oo Kor u Sii qaday Bilicda Magaalada.

Jigjiga(CakaaraNews) Axad June 23,2913,Waxaa gabi ahaanba ka socda Magaalada Jigjiga Dhismayaal Xawli ku socda oo isugu Jira kuwo ay ka dhisayaan Magaalada Xukuumada DDSI laamaheeda u Qaabilsan iyo Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ka kala yimid Daafaha Dunida. hadaba Dhanka Xukuumada DDSI oo iyadu Dhismayaasha Mashaariico aad u badan ka wada Magaalada Jigjiga haday ahaan lahaayeen Dhismayaasha Balaadhinta Dugsiga Hoyga Agoonta Jigjiga,balaadhinta machadka Maaraynta Jigjiga,balaadhinta Dhismayaasha Guriga Martida DDSI,Dhismayaasha Hoolalka Shirarka Magaalada Jigjiga oo Mugoodu aad u balaadhan casri ah,Dhismaha Garoonka Kubada cagta Magaalada Jigjiga(Stadiumka) iyo ashaariico kale ayaa ay Maamulka Magaalada Jigjigana ayka wadaan wadooyinka Xaafadaha Magaalada Jigjiga Dhismayaasha wadooyinka Dhagaxa laga qoro(Cobble-Stone) kuwaasoo wax wayn ka tari doona Bilicda Magaalada iyo Socodkaba maadaama ay Xili roobaadka cakiran tahay Socodka wadooyinka Qaar.

Dhismayaasha Mashaariicaha kala duduwan ee sida xawliga ah uga socda Magaalada Jigjiga ayaa qayb ka ah Diyaargarowga Balaadhan ee Ay Xukuumada DDSI ugu Jirto Xuska 8aad ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya oo Sanadka 2006.T.I loo Xushay in Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu Qabto.

Isku Soo wada Soohoo Bilicda Magaalada Jigjiga ayaa Maalinba maalinta ka sii danbaysa ay Sii korasaa islamarkaana Ay Waftiyo ka socda Guud ahaanba DFI,Madaxda 8da Deegaan ee DFI,Hobolada Caanka ah,Qoraaasha,Saxaafadaha DFI iyo farshaniistayaasha Dalku ay Booqasho ku imaanayaan DDSI islamarkaana Ay iyagoo Ku faraxsan lana amakaagsan Isbedelada Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale ee Mudo yar ka taaabo galay Deegaanka Soomaalida Dib ugu Noqda Deegaanadii ay ka yimaadeen