Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Awooda Rabbi:- Wiil Yar oo Dalka Canada Dhashay Isagoo Bilaa Calool Ah+(Sawir)

Canada(CakaaraNews) Axad June 23,2013.Sida lagu soo daabacay mid ka mida Wargeysyada ka soo baxa Dalka Canada Muuqaal Wiil yar oo lagu ku sheegen inuu dhashay isagoo aynan u dhamaystirnayn Qaabdhismeedka jirka Binuaadamka islamarkaana dhashay isagoo bilaa Calool ah(calool la’aan) Arintan Mucjisada ah ayaa lagu sheegay in wiilka yar ay halkii caloosha lagu yiqiin uu madaxu kaga yaalo.

Cinwaanka Boga Jariirada ama Wargeyska ayaa lagu soo Qoray ‘’Rumayso ama Ha Rumaysan Wiil dhashay Isagoo Calool la’aan’’,Subxaanalaah waxaana qoraalka Wargeyskaasi lagu sheegay in Canugaasi uu ku dhashay mid ka mida Isbitaalada ugu wayn ee Dalka Canada ku yaala,sidoo kale Warbixinta Wargeyska ayaa waxa lagu sheegay in Shaacinta Qoraalada dhacdooyinka Mucjisada caalamka ay tahay mid mudan in ay ku cibra qaataan Binuaadamku. wargayska ayaa waxa uuna qoray in dhacdadaasi ay Amankaag ku abuurtay Dhakhaatiirtii ka umuliyay(dhaliyay) Hooyadii dhashay Wiilkan Dhashay Isagoo Bilaa Caloola oo magaceeda lagu soo gaabiyay Tilisti.

Dhanka kale Wargeysku waxa uu daabacay in Haweeneyda dhashay wiilkan ay foolaneysay Wakhti ka badan xiligii foosha Dumarka sida uu wargeysku ka soo xigtay Dr. Daniel oo kamid ahaa Dhakhaatiirta ay Hooyadaasi la xiriiri jirtay xiliyadii ay siday uurka.