Kuliyada Farsamada,Xirfadaha iyo Cilmiga Biyaha ee M.jijiga ayaa Waxa Ka Qalinjabisay Laamaheeda Waxbarashada Dufcadii 12aad oo Tiradoodu Dhan Tahay 515 Arday

Jigjiga(CakaaraNews) Axad June 23,2013.Waxaa Laamaha Waxbarasho ee lagu barto Kuliyada Farsamada,Xirfada iyo Cilmiga Biyaha ee Magaalada Jigjiga ka Qalinjabiyay Dufcadii 12aad Arday ay Tiradoodu dhan tahay 515 Arday kuwaasoo isugu jiray Wiilal iyo Gabdhaba,iyadoona Qalinjabintan loo qabtay Munaasabad ama Xafad si Sare loo soo agaasimay kana soo qayb galeen masuuliyiin Heer Deegaan ah kana Mid ahaayeen WasiirkaXidhiidhka Arimaha Dawlada Mudane Maxamed Guure Bisle,maareeyaha TVET Mudane Faatax Maxamed,Maareeye kuxigeenka Kuliyada Mudane ,waalidiinta Ardayda,Kooxaha Fanak iyo Martisharaf kale.

Munaasabadan ayaa uu ka soo jeediyay Warbixin Heerarkii kuliyadu soo martay iyo Laamaha Culuunta laga barto kuxigeenka Kuliyada islamarkaana carabaabay in kuliyadu ay soo saarto Arday ku gaashaaman Xirfad iyo aqoon kuwaasoo ka mid noqda Cududa Shaqaale ee Deegaanka ayuu yidhi. Kuxigeenka ayaa Tibaaxay in kuliyadu ay bixiso Tababaro Gaagaaban oo Dumarka iyo Ragaba si loogu abuuro Fursado Shaqo la siiyaa Tababaro farsamo kuwaasoo la xidhiidha samaynta Furnitureka(Kuraasta,Miisaska,sariiraha,Albaabada,Iwm),Tolida Dharka,karinta Cuntada,Hotel Mngt iyo Goglida iyo habka Dhagaxa loo Qoro(Cobble Stone).

Dhanka kale Maareeyaha TVET(Farsamada,Xirfadaha iyo Tababarada DDSI) Mudane Maxamed Faatax ayaa u hambalyeeyay Ardayda Qalinjabinaysay iyo waalidiintii kala qaybgashay dadaalka Waxbarasho islamarkaana Carabaabay in Kor u qaadida xirfadlayaasha iyo farsamoyaqaanada Deegaanku tahay mid ka mida Qorshayaasha ugu waawayn Xukuumada sidii Shacabka loogu Abuuri lahaa Fursado Shaqo Abuuris si loo dhimo saboolnimada ayuu yidhi.

Ugu danbayntii ayaa Halkaa lagu Gudoonsiiyay Ardaydii Kaalimaha Ka Fiican ka galay Xiligii Waxbarashada,macalimiintii iyo Shaqaalihii Abaalmarino halka Guud ahaan Ardaydii qalinjabisayna Gacanta laga galiysay Cadaymihii Waxbarasho,islamarkaana lagula dardaarmay in Aqoonta ay barteen si wadaninimo leh ay ugaga faaiideeyaan wadankooda iyo shacabkoodaba.