Dawlada Federaalka oo Xuk-DDSI ku Amaantay Taabogalinta Isbedelada Xawliga Horumarineed iyo Shirka Gudiga Fulinta Meles Foundation oo Ka Dhacaya A.A Kana qaybgalayo Madaxweynaha DDSI.

Addis-Ababa(cakaaraNews) Axad June 23,2013.Waxaa magaalada Addis Ababa ka Dhacay Shir looga wada Hadlayay qorshayaasha Horumarineed ee Deegaanada DFI,shirkaasoo ay ka Qayb galeen Dhanka Deegaanka Soomaalida wafti uu hogaaminayay Madaxweynaha DDSI Mudane abdi Maxamuud Cumar kana jeediyay Shirkan Warbixino ku saabsan Qorshayaasha Horumarineed iyo isbedelada Kobaca Dhaqaale ee DDSI iyo Heerka ay marayaan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee Deegaanku.

DFI iyo Deegaanada ayaa Dhagaysigii oo jeedinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumada DDSI ee Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ka dib ku kabay Xog-ogaalnimadooda Dhinaca waxqabadka iyo Isbedelada horumarineed ee Sida xawliga ah uga Taabo Galay DDSI kuwaasoo ay Indhahooda ku arkeen siday Sheegeen,islamarkaana Ay DFI iyo Masuuliyiinta Deegaanada DFI ee kusugnaa Shirka iyagoo ka Markhaati Kacaya Isbedelada Horumarineed ee Mudada gaaban ka hano qaaday DDSI aad ugu Amaanay Xukuumada maanta ka Jirta Deegaanka Waxqabadka Dhabta ah iyo Isbedelada Horumarineed ee Mudada gaaban Taabogalisay kuna Tilmaamay waxqabad ku dayasho Mudan.

Mar shirkan lagaga wada hadlayay Laydhgalinta Awooda Korintada 24ka Saac ee Magaalada Godey laga wado ayaa shirkadii Qaadatay qandaraaska Laydhgalinta Godey aad loogu Canaantay habka ay u Wado Shaqada laguna Dhaliilay in ay ka gaabisay Mudadii la rabay in la dhamaystiro laydhka 24ka Saac ee Magaalada Goday. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay in Degdeg xadhiga looga jaro Mashruuca laydhka 24ka Saac ee magaalada Fiiq oo la Dhamaystiray si uu Adeega laydhka u siiyo magaalada Fiiq iyo Nawaaxigeeda looguna sii Gudbiyo Helida laydhka Degmooyinka kale ee Gobolka Nogob.

Dhanka kale Waxaa la Filayaa Beri in uu ka bilaabmo Magaalada Addis-Ababa Shirka Gudiga Fulinta ee Meles-Foundation oo uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Mxamuud Cumar ka yahay Xubin Gudi Fulin,islamarkaana uu ka Qaybgali doono.