Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxda Booliska,W/ganacsiga iyo Taraafikada 4ta Deegaanada Bariga Itoobiya iyo Ismaamulka Diredawa oo markii 2aad ka Shiray Xakamaynta Shilalka Baabuurta iyo Busaska Guura Habeenkii.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin June 24,2013Waxaa maanta Markii 2aad Shir isugu Yimid Magaalada Jigjiga Dhamaanba Komishineerada Booliska iyo Madaxda Taraafikada Deegaanada Soomaalida,Canfarta,Oromada,Hererida iyo Ismaamulka Diredawa islamarkaana ka wada munaaqashoonayay Qiimaynta Waxqabadkooda Wadajirka ah ee ay ugu kuurgalayaan Xakamaynta Shilalka Sababa Dhimashada Dadewynaha oo aynan Darawaliintu ka taxadarin ha ugu sii darnaato Busaska Guura Habeenkii isagana Goosha Jigjiga,Harar,Diredawa iyo ddis Ababa kuwaasoo ah Qiimayn la sameeyay ka dib kuwa ugu shilallka Badan.

Dhanka Booliska DDSI oo ay uga Qayb galeen Shirkan ay 5ta Deegaan isugu yimaadeen Maanta oo ka Dhacay Hotel Nogob Garden ayaa ay uga Qaybgaleen Komishineerka Guud ee Booliska DDSI Mudane Maxamed Qayo iyo Madaxa Taraafikada DDSI G/sare Guuleed Diiriye Cumar Faahiye. Madaxa taraafikada DDSI G/sare Guuleed Diiriye ayaa warbixin ka soo jeediyay Shirkan sheegayna in Dhankooda ay si adag ula tacaalayeen Waayadanba xakamaynta Shilalka islamarkaana ay Mamnuuceen in Bususka Safarada Dhaadheer u baxa ama u Guurijiray Addis-ababa in laga mamnuucay Deegaanka Soomaalida oo wixii ka danbeeya 5ta Galabnimo uunan Bus ka bixi karin Magaalada Jigjiga,sidoo kalana talaabo laga qaaday shirkadihii Busaska ee Madaxa dadka ka ganacsan jiray ayuu yidhi. Shirkan oo ahaa mid lagu Qiimaynayay waxqabadka Deegaanada ee Dhanka Qorshayaashii lagu kala qaatay Shir ka horeeyay kan oo ka dhacay Magaalada Diredawa ayaa ay aad u falanqeeyeen Madaxda Booliska,taraafikada iyo wasaarada Ganacsiga ee 5taDeegaan sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga wadashaqayneed ee ka dhaxeeya islamarkaana loo xakamayn lahaa dabeecadaha Darawaliinta qayrumasuulka ah,qaadashada laysanka,Shilalka iyo Busaska Habeenkii Guura.

Dhanka kale madaxa taraafikada DDSI G/sare Guuleed Diiriye ayaa ugu Baaqaya Gaadiidleyda Deegaanka Soomaalida Gaar ahaan Jigjiga in loo Hogaansamo Shuruucda Taraafikada Deegaanka launa Dhaqmo Qodobadan Hoos ku Cad.1-laga Bilaabo Maanta Waa Mamnuuc in lagu Arko magaalada Dhexdeeda Dirawal uunan u Xidhnayn Suunka Ama Belt oo Baabuur ku Dhex wada Magaalaa Jigjiga. 2-Waxaa la Mamnuucay in Baabuur aan Sharci u haysan Persolka Muraayadaha lagu Xidho in aan lagu arag mgaalada 3-Baabuurta iyo Mootooyinka Bilaa Taarikada ah(Plate No) waa looga Digayaa in ay Magaalada Dhex maraan.