Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Ku Saabsanaa Maamulka Qorshaha Qoyska oo uu Xafiiska Caafimaadka Gobolka Shabeele u Qabtay Qaab-dhismeedyada Dawlada.

Godey(CakaaraNews) talaado June 25,2013.Xafiiska Caafimaadka ayaa u Qabtay Shaqaalaha qaabdhismeedyda Dawlada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeele tababar looga gol lahaa Barashada Nidaamka Maamulka Nolosha Qoyska iyo Qorshayntiisa kaasoo socday mudo labo cisho ah.

Furitaankii tababarka Maamulka Qorshaha Qoyska ayaa uu hadal ka soo jeediyay kusimaha Moyorka Magaalada Godey Mudane Xuseen Cali warfaa ayaa tababartayaasha ku booriyay in ay ka faaiidaystaan casharada habka ugu Haboon ee Loo qorsheeyo Nolosha Qoyska ee lagu siin doono taasoo wax wayn ka tari doonta ayuu yidhi Qorshe la'aanta Qoysaska(Mis Managing Family).

Masuulkan ayaa Sheegay in Nolosha Qoyska oo la maareeyaa loona sameeyaa Qorshe ay tahay Arin aad u Muhiima oo wax wayn ka taraysa Koritaanka iyo Mustaqbalka Qoyska sida maaraynta Caafimaadka Qoyska,Waxbarashada Qoyska iyo Dhaqaalaha Qoyska. Tababarkan ayaa ay iska kaashadeen Fulintiisa Xafiiska Caafimaadka laantiisa barnaamijka qoyska,fayo dhawrka iyo dhalaanka,XDSHSI iyo Xafiiska Haweenka G/shabeele.

Xidhitaankii Tababarka oo ay ka hadashay iskuduwaha barnaamijka qoyska,fayo dhawrka iyo dhalaanka ee xafiiska Caafimaadka Marwo Ayaan Cabdi Shukri ayaa Tibaaxday in Xafiiska Cafimadka oo kaa shanaya xukuumada DDSI in uu Wado Diyaargarow Balaadhan iyo Qorshayaal uu gacan kaga siinayo Dhamaanba Deegaanka Kor u qaadida Fayo Dhawrka Bulshada si loo helo Bulsho Caafimaad qabta.