Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wakaalada Dakhliga oo Tababar u Qabatay Canshuur-bixiyayaasha Idman Ama Ganacsatada Magaalada Jigjiga.

jigjiga(cakaaranews) Arbaco june 26,2013.Tababarkan Ayaa Waxaa Soo Agaasimantay Wakaalada Dakhliga Ee DDSI islamarkaana Ay Ka soo Qaybgaleen Cashuur-Bixiyayaasha ka Ganacsatada Badeecadaha kala duduwan ee leh shatiyada Ganacsiga ee Ku Dhaqan Magalada Jigjiga,iyadoona Ay Ujeedada Tobabarkani Ay Ahayd Habka Loo Samaysto Buuga Diwan-gelinta “Book Keeping” iyo Habka Loo Yaqaan Odhaahda Xisabaadka “ Financial Statement” taasoo ay ganacsatadu kula soconayso Diiwaanada Kharashka iyo Badeecadahaba Gelid iyo Bixid amaba inventory List Si Uu Cashuur Bixiyuhu Sanad Walba U Ogaado Xisaabta Raasamaalka iyo badeecadaha Islamarkaana Wax Uga Barto Cashuurta Ku Waajibta.

Tababarkan ayaa Ay Casharada Bixinayen Khabiiro Ka Hawlgala Wakaalada Dakhliga Ee DDSI iyadoona uuFuritankii Tobabarkani uu Ka Hadlay Mareeye Ku Xigeenka Wakaalada Dakhliga Ee DDSI Mudane: Cali Ugaas Isago Kula Dardaarmay Ka Soo Qaybgalayaasha oo ahaa Cashuur-Bixiyayaasha amaba ganacsatada magaalada jigjiga In Ay Ka Faideystaan Macluumaadka la siin doono Islamarkaasina Ay Ku Dhaqmaan Cashara Ay Ku Qadanayeen Ee Ku Saabsanaa Sidii Cashuur Bixiyhu U Xisaabxidhkiisa Sanadwalba Uu U Ogaanlahaa .

Ugu Danbeyntii Tababarkani Ay Qadanayeen Cashuur Bixiyayaasha Ka ganacsatada Magaalada Jigjiga ayaa Ahaa Mid Ay Ku fahan buuxa ka qaateen casharadii Habka Loo Samaysto Buuga Diwaangelinta iyo Qulqulka Xisaab-xidhka lacagaha taasoo wax wayn ka tari doonta Si Ay U Ogadaan Xisaabta Ay Sanad Walba Soo Saraan Khasaaraha,Faaiidada iyo Saamiyada Dhigaalka,Islamarkaana Ay Wax Uga Bartaan Cashuurta Ku Waajibta mid ka mida ganacsatadii Tababrkan qaadatay Ayaa Waxa Ay Tilmamay In Ay Aqoon badan ka faaiidaysteen kuna dhaqmi doonaan.

Dhanka kale waa nidaam sahlan oo hadii ay Ganacsatadu ku dhaqanto habkan ay xafiiska Dakhligu si sahlan ugala socon karaan hadba Canshuurta Dakhliga lagu leeyahay Diiwaanka Gelida iyo Bixida.