Mo-Farah Oo Arsenal U Saftay Kulan Ciyaareed Iyo Wacdaro Uu Dhigay

Uk(CakaaraSport) Khamiis June 27,2013.Orodyahanka ku caan.baxay orodada 10-000-Mitir iyo 5000-Mitir ee Mo-Faraax ayaa habeen-hore ka soo muuqday Teleefishinadda Caalamka isagoo xidhan numbarka 10aad ee maaliyadda ama Dharka Kooxda Arsenal oo uba saftay ciyaar lagu xusayay maalinta qaxootiga Aduunka oo ku beegnayd 23-june(World-Refugee-Day).

Mo-farah ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid yahay taageerayaasha Kooxda Arsenalisagoona Ciyaartan ay wada ciyaareen Ciyaartoydii Ruug cadaaga ahaa ee kooxda Arsenal kana fadhiistay Ciyaaraha Kubada Cagta.

Dadkii daawadaday cayaartiisa ayaa aad ula dhacay ciyaartii uu soo bandhigay Mo-farah waxayna inta badan isku raaceen inuu ku soo biiro Ciyaaraha Kubada cagta ingiriiska.

Mo-farah ayaa Ciyaarihii Olompicada ee lagu qabtay London(Uk) ku guulaystay 2dii biladood ee Orodada 10,000M iyo 5000M.