Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kuxigeenka Xafiiska Hawlaha Guud iyo Horumarinta Magaalooyinka DDSI oo Sheegay in Ay Meel Fiican Marayaan Hawlaha Diyaargarawga Xuska 8aad ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI ee Lagu Qaban Doono Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis June 27,2013. Shaki kuma jiro in farqiga u dhaxeeeya Itoobiyadii shalay ee Cadaadiska iyo xaqiraada Qowiyadeed ku dhisnayd iyo fursadaha Dimoqraadiyadeed,sinaan,cadaaladeed,wadanoolaansho,walaalnimo iyo Aqoonsiga Xuquuqaha aasaasiga ah ee Qowmiyadaha kana dashay halgankii EPRDF ay xukunka kaga uurtay Kaligii taliyihii Dhergiga in ay Guud ahaan Shacabweynaha DFI gaar ahaana Shacabka Soomaalidu in ay heleen dhamaanba Xuquuqahoodii Dastuuriga ahaa koriyaan,Afkooda,Diintooda,dhaqankooda islamarkaana ay heleen Dawlad madax banaan oo ka soo dhex baxday Dhalinyaradii DDSI oo wax ku bartay Dalka.

Xukuumada Degaanka Somalida Itoobiya Ayaa Sanadihii La Soo Dhaafay Ku Guuleysatay Hirgelinta Qaybaha Kala Duwan Ee Horumarka Iyo Sal u Dhigida Xasiloonida Iyo Xaqiijinta Nabd iyo Horumar waara oo Ay Bulshadu Ku Naloodaan,Iyadoona Xukuumadu Qaaday Mudooyinkii ugu danbeeyay Talabooyin Iyo Strategyado Kala Duwan Oo Lagu Horumarinayo Bulshada Ku Dhaqan Degaanka Somalida Itoobiya Kuwasoo Maanta Ku nool Dhadhansadayna Horumar Baaxad wayn iyo koboc Nolol-dhaqaale. Xukuumada DDSI mudadii yarayd e ay jirtay ayaa ay U Suuro Gashay In Ay Ku Guuleysato Marti-Gelinta Xuska 8aad ee Malinta Qawmiyadaha Iyo Shucuubaha Dalkan Itoobiya 8aad Ee 29 Hidaar Oo Lagu Xusi Doono Sanadka Soo Socda Xarunta Degaanka Ee Magalada Jigjiga taasoo ku timid markiiay Guud ahaanba Golayaasha DFI iyo Madaxda 9ka Deegaan ay ka marag kaceen isbedelada Horumarineed ee ka taabogaly DDSI mudo kooban kuwaasoo ku socda Xawaare yididiilo Horumar kobac dhaqaale gaadhsiin kara Deegaanka soomaalida itoobiya .

Hadaba Wasiirkuxigeenka Xafiiska Hawlaha Guud Iyo Horumarinta Magalooyinka ,Dhismaha Iyo Warshadaha Ee DDSI Mudane: Axmed Shugri Cabdi Oo Xafiiskiisa Kula Hadlayey Warbaahinta Degaanka Ayaa Ka Waramay Qaab U Socodka Mashaariicaha Dhismayaasha Goobaha Loogu Tala Galay Martida Kala Duwan Ee Ka Imanaysa Degaanada Kala Duwan Ee Uu Dalku Ka Koobanayahay Ee Soo Gaadhi Doonta Magaalada Jigjiga iyo dhismayaasha Bilicda magaalada jigjiga sida wadooyinka,Hoolalka Shirarka,Stadiumka iyo Cidhifyada Wadada wayn oo ay ganacsatada iyo qurbajoogtu ka wadaan Dhismayaal ka ugu sareeya yahay G+7 Isagoo Sheegay In Ay Dhamadeen 3 Block Oo Ka Mid Ah Blockyada La Dhisayo Iyo Laba VIP Oo Loogu Tala Galay Martida Gaar Ah Islamarkana Ay Gabagabo Marayaan Blockyada Kale .

Masuulka Ayaa Sidoo Kale Sheegay Inla Bilaabay Dayactirka Kuliyadaha Ku Yaala Magalada Jigjiga Kuwaasi Oo Qayb ka Qaadandoona Soo Dhaweynta Martida ka qaybgali doonta Xuska Hidar 29 Isagoo Dhanka Kalena Sheegay In Dadaal Balaadhan La Saaray Kor U Qaadida Bilicda Magaalada Jigjiga Iyadoo La Dhisay Sida Uu Wasiirku Shegay Goobo Iyo Wadooyin Muhiim U Ah Bilicda Magaalada Jig-Jiga.

Isaga oo Hadalka Sii Watay Ayaa uu Dhanka Kale Ka Waramay In La Wado Dadaalo Wax Ku Ool Ah Oo Isku Dhaf Ah Dawlada Iyo Dhanka ShacabkaBa Islamarkana La Rabo Inlagu Xaqiijiyo Soo Dhaweynta Si Qurux Badan Qaybaha Kala Duwan Ee Shucuubaha Iyo Qawmiyadaha Itoobiya Ee Iman Doona Degaanka Somalida Itoobiya Xaruntiisa Magalada Jigjiga 

Ugu Dambeyntii Ayaa uu Ku Booriyey Dhamaan Muwaadiniinta Degaanka Somalida Itoobiya U Dhalatay In ayLaba Jibaraan Dadaalkooda Ku Aadan Diyaargarawga Xuska Sideedaad Ee Maalinta Qawmiyadaha Iyo Shucuubaha Dalka Ethiopia Islamarkaana Ay Ku Soo Dhaweyaan Muqaal Qalbi saliima & Qaabilaad Waji Qurux Badan .