Maamulka Magaalada Dh/buur iyo Ganacsatada Ku nool Magaalada Dhagaxbuur ayaa Ka Wada Mgaalada Maalgashi iyo Dhismayaal Kor u Soo Qaaday Bilicda Magaalada.

Dh/buur(CakaaraNews) Khamiis June 27,2013.Magalada Dh/buur oo Xarun u ah Gobolka jarar Ee DDSI ayaa waxaa ka socda Dhismayaal mashaariico kala duduwan oo ay ka kala fulinayaan Magaalada Dh/uur xaga horumarinta magaalooyinka oo ay hirgalinayaan maamulka Magaalada Dh/buur,Qurbajoogta iyo Ganacsatada Magaaladaba,Waxaana hubaal ah in 3dii Sano Ee ugu Danbeysay Magalada Dh/buur uu ka Taabo galay Horumar Xawli ah oo qofkii ka maqnaa marka uu yimaado waxaa uu Dareemayaa Dhaq-dhaqaaq xaga ganacsiga ah,Kobac Dhaqale iyo Muuqaal qurxoon oo ay yeelatay magaaladii dh/buur kana duwan Muuqaalkeedii hore.

Sidoo kale waxay Durba indhahaagu ku dhacayaan Dhismayaasha mashaariico Cusub oo farabadan kuna soo biiray Magalada Dh/buur,Mashaariico socda,Kuwo dhamaaday,Ardayda galinka Hore iyo ka danbaba u suxul duubaysa iskuulada,ardayda wax ka dhigta Kuliyada Caafimaadka iyo kuwa Aqoon Dirsadka ku dhigta (Distance Education iyo Isbitaalka Dh/buur oo Deegaano fogfog loogu Imanayo Qaliinka.

Waxaa Hubaal ah markaad aragto muuqaalka guud Ee magaalada Dhagaxbuur in ay Durba maskaxdaada ku soo dhacayso in ay tahay magaalada kaliya Ee Nasiibka u yeelatay inay Hesho Aalada Casriga ah ee laydhka Solar-Systemka oo maalintii kaydsata cadceeda Habeenkiina looga faa`iidaysto laydhka sahla isu socodka dadka iyo gaadiidka,Cawayska habeenkii Ee magalada Dh/buur oo ayka mid tahay jidadka mara xaafadaha magaalada iyo gudaha Suuqa ganacsiga waxaana,Goobaha Internet Cafe,warshadaha yaryar,waxbarashada habeenkii iyo Wax akhriska Ardayda.

Hadaba qaar kamida ganacsatada Waawayn Ee magalada Oo ka faa`iidaysanaya mashaariicaha kala duwan ee ay ka wado magaalada Maamulka magalada Dh/buur sida wadooyinka,master-planka iyo kaabayaasha Dhaqaale ayaa iyaguna waxay Hindiseen in ay kaalintood ka Qaataan Horumarka iyo kor u qaadida Bilicda Magaalada islamarkaana hirgalinayaan mashaariico isugu jira Hotelo Casri ah iyo kuwo kale oo ay Dadku isugu yimaadaan bulshaduna ka helaan Adeegyo kala duwan.

Dhismayaasha Mashaariicaha Horumarineed ee Bedelay Muuqaalkii Hore ee Magaalada Dh/buur korna u qaaday Bilicdeeda ayaa ka Sakow Horumarka wajiyada badan ee ay Si xawli ah uga wado Dh/buur Xukuumada DDSI ayaa Ay Qurbajoogta ka soo jeeda Gobolka Jararna Doorkooda ku leeyihiin Sidoo kalana ganacsade Xaaji Muxumed Gaas uu magaalada Dh/buur ka Dhisay Hotelkii ugu Horeeyay ee Casri ah Noociisuna yahay G+2 walow ay Jiraan Dhismayaal ay Xukuumada DDSI iyo DFI ka Dhiseen Magaalada Dh/buur oo G+3 ah.