Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ogaysii:- Ururka Dhalinyarada SEDYO Laanta Sweden oo Hawada Soo Galisay Website ay Umada Kula Socodsiiyaan Baraarujinta Hawlaha Horumarka,N/galyda,Maamulka suuban iyo Doorka Maalgashiga.

weden(CakaaraNews) Jimce June 28,2013.Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee Ka Taabo-galay DDSI. waxaa la ogaysiinayaa Qurbajoogta ku Dhaqan Cariga Sweden iyo Dalalka kalaba in uu hawada soo galay Website ay kuugu talo galeen ururka Dhalinyarada Sedyo laantiisa Dalka Sweden ee Dhawaan la aasaasay,kana heli doonto hadba macluumaadka aad u baahato ee ku saabsan Warbixinada iyo Waxqabadka Deegaanka Soomaalida Itoobiya kaana haqabtiri doona.

websitekan ayaa uu Cinwaankiisu yahay www.sedyo.se.com uguna talo galeen wacyigalinta iyo iskuxidhka Dhalinyarada Qurbajoogta ah ee ka soo jeeda DDSI,sidoo kale lagu daabici doono warbixinada waxqabadka Xukuumada DDSI ee Maanta Hogaanka haysa Dhinacyada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Doorka Maalgashiga Qurbajoogta.