Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mashruuca Waraabka Galbeedka Goday oo Dayactirkiisu Gebo-Gebo Marayo

Godey(cakaaraNews) Jimce June 28,2013.wakalada dhismaha biyaha ee ddsi oo wada dayactirka mashruuca warabka ee galbeedka goday ayaa la soo gabagabeyay boqolkiiba todobaaatan dayactirka mashrucan Galbeedka Godey ee lagu sameyay caro-qaadka iyo dayactirka kanaalada waraabka iyadoona uu mashruucani uu ku fadhiyo Dhul Dherer kiisu dhan yahay 13 km oo wakhti xaadirkan la soo gabagabeyay in kabadan 12km sida warbaahinta laga sheegay. Dayactirka mashruuca galbeedka Godey ayay Ujeedadiisu tahay Sidii loogaga faa`iidayn lahaa wabiga Shabeele in ka badan 7 kun oo Qoys oo loogu Samaynayo Dibu-Dajin bulshadii hada ka hor ahayd Xoolo Dhaqatada loona badalayo Xoolo Dhaqato Beeralay si ay ay u daoolaan baahiyahooda Nololeed una helaan kobac dhaqaale oo lagaga baxo saboolnimada iyo gaajada.

Injineer C/fataax Xaaji Cumar oo ah maareeyaha mashruuca Waraabka Galbeedka Godey Ayaa Sheegay In Sidii loogu talo galay ay u socdaan hawlaha dayactika iyo balaadhinta Biyo-xidheenka galbeedka Godey ee laga wado Dayactirka iyo balaadhinta.

Fulinta mashruucan Ay wado Wakaalada Dhismaha DDSI Ayaa sidoo kale Shaqalaha Howl wadeenadu yihiin kuwo Dhamaantood U dhashay Dawlada Deganka Somalida itoobiya iyagoo isugu jira Xirfadlayaal kala Duwan Sida,Dirawalada ,makaanikada,Injineerada, iyo kuwa Cabirkaba. Mashruucan ayaa ka mida mashaariicaha ugu waawayn Ee ka Socda Degaanka Soomaalida itoobiya ayaa waxaa uu kamid yahay mashaariicda lagu doonayo in wax lagaga badalo Nolosha Bulshada maadama Ay Socdaan Qorshe yaal Ay wado Xukumada DDSI Oo dadka xoolo Dhaqatada loo badalayo Xoolo Dhaqato Beeralay Si looga baxo Saboolnimada iyo Gaajada looguna biiro wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.