Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Waxbarashada DDSI oo Imtixanka Xaqiijinta tayada Aqoonta Macalimiinta Ka qaaday Macalimiin Dhan 380 oo loo Tababaray Nidaamka Baranimo Kuna Xaraysan Kuliyada tababarada Macalimiinta DDSI(Dr C.majiid).

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce June 28,2013.Xafiiska Waxbarashada Ee DDSI Ayaa Wada Dadaalo Kor Loogu Qaaedayo Tayada Macalimiinta Imtaxaanka Xaqijinta Tayada Barayaasha Ee Loo Yaqaano License Ayaa Ka Bilaabmay Kuliyada Macalimiinta Eee Dr. C/Majid Xuseen Waxaana Imtaxaankan U Fadhiisatay 380 Macalin Oo Ah Macalimiinta Dhawaan Ka Qalin Jabin Doona Kuliyada Macaliminta 3sano ku baranayay Sagaalka Waxood ee Ay Bixiso Kuliyadu.

Gadhwadeenka Geedisocodka Horumarinta Macaliminta Ee Xafiiska Waxbarashada Ee DDSI Mudane: C/Xakin Max’ed Cali Ayaa Sheegay In Imtaxaankan uu yahay mid lagu ugayo Xaqiijinta Tayada Waxbarashada Macalimiinta iyo heerka baris-barasho ee Kuliyada Tababarada Macaliminta Dr. C/Majid Xuseen Uu Yahay Mid Lagu Ogaanayo Heerka Aqoonta Iyo Tayada Macaliminta

Hadaba Imtaxaankan Laga Qaadayo Macaliminta ugu xaraysan in ay ka mid noqdaan Macalimiinta Deegaanka wax ka dhigta Kuliyada Tababarada Macliminta Ee Dr. C/Majid Xuseen Ayaa ah Kii Ugu Horeeyey Ee Noocanoo Kala Ah Oo Laga Qaado Macaliminta Ka Soo Baxda Kuliyadani Waxaa Kale Oo Imtaxankani Uu Ka Socdaa Dhamaan Kuliyada Tobabarka Macaliminta Ee Dalku Ka Koban Yahay Waxa Uuna Yahay Mid Kor Loogu Qaadayo Tayada Macaliminta laguna xaqiijinayo Aqoontooda baris-barasho Si Loo Helo Arday tayo aqooneed leh Iyo Macalimin Tayo Leh Taasi Oo Marka Ay Qataan Imtaxaankani La Siin Doono Shahaado”Certificate” Ama License Cadeynaya Aqoontiisa . Qore:- Khadra Mukhtar