Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mashruuca Biyogalinta Magaalada Jigjiga oo ay Ka Wadaan Shirkad Dalka Shiinaha Laga Leeyahay.

Jigjga(cakaaraNews) Jimce June 28,2013.Waxaamaalmahanba ka socda Gudaha magaalada Jigjiga Biyogalin laga wado wadooyinka ugu waawayn Magaalada Jigjiga iyo Xaafadaha kana wadaan shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay oo Qandaraas ku qaadatay biyogalinta Magaalada Jigjiga islamarkaana loo qabtay in ay ku soo gabagabayso Mudo gaaban sida heshiiska dhex maray ku cad.

Wadada ugu wayn ee dhexmartaMagaalada Jigjiga ayaa ay si xawli ah uga socdaan Calaamadaha Biyogalinta iyadoo aad arkayso Dhinacyada wadada oo la qoday islamarkaana la dhexgalinayo Tuubooyinka Waawayn ee Biyuhu Maraan(Pipes)islamaerkaana ay Shaqaale aad u badan iyo injineerada shiinuhu ku hawlan yihiin.

walow aanaan weli macluumaad ku saabsan hawlaha biyogalinta Magaalada Jigjiga aanaan ka helin xafiiska ku shuqulka leh ayaanu ku dadaalaynaa in maalmaan aanu xog dhab ah iyo macluumaad balaadhan ka soo Qorno Biyogalinta magaalada Jigjiga.