Waxaa Maalinta Isniinta Ah Ka Furmi Doona Magaalada Jigjiga Shirwayne Loogu Magac Daray Gunaanadkii UBBO iyo Gabagabadii Hagardaamadii UBBO.

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti June 29,2013.Waxaa maalinta isniinta ah ee Fooda inagu soo haysa ka Bilaabmi doona Shirwayne aad u balaadhan oo ay ka Soo qaybgali doonaan dad tiradooda lagu qiyaasay 2000 kuwaasoo isugu jira Odoyaal-dhqameedka,waxgaradka,Haweenka,Culumaaudiinka,Aqoonyahanka iyo Qaybaha Bulshadu ka kooban tahay.

Sidoo kale Shirwaynahan ayaa ay ka Soo qaybgali Doonaan Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada DDSI iyadoona uu ka soo jeedin Doono Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Warbixin Dheelitiran oo ka Turjumaysa waxqabadkii Sanadka 2005 Dhinacyada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Xidhiidhada Xukuumada.

Waxaa Hubaal ah in Dawlada wakhti xaadirkan ka arimisa DDSI ay gabi ahaanba soo jiidatay Indhaha,qalbiga iyo maskaxda Guud ahaan Shacabweynaha ka soo jeeda DDSI dal iyo Dibadba kuna kasbatay Waxqabadkeeda Cadaaladeed ee Dhinacyada Horumarka Siman,ka warhaynta nolosha shacabka iyo Sugida Amaanka Deegaanka. Sidoo kale Waxqabadka Xukuumada DDSI ayaa kasbatay Indhaha Dawlada Federaalka Itoopiya oo ka marag kacday sida ay ugu faraxsan yihiin Isbedelada Horumarineed eeMudo yar uga Taabo galay DDSI mudo aad u yar Noqotayna Meesha sanadka soo socda Xuska 8ad ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI lagu qaban Doono Magaalada Jigjiga.

Dhanka kale Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Safar ugu maqnaa Addisababa ayaa Mudo dhan 5 cisho Dawlada Federaalka Gaar ahaan wasaaradaha Beeraha,Biyaha,Waxbarashada,Wakaaladaha(Korontada,Jidadka iyo isgaadhsiinta) kula yeeshay adisaba kulamo balaadhan oo lagu Gorfaynayay Waxqabadka wasaaradaha kaga aadan Deegaanka soomaalida islamarkaana ku soo gabagaboobay Guul iyo isgarad wanaagsan iyadoona lagu heshiiyay ka hr bisha maskaram ee sanadka 2006 Mashaariicaha waawayn ee ay DFI ka wadaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya Sida Jidadka,isgaadhsiinta iyo mashruuca korontada laga wado Degmada Godey.