Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Brazil Oo u Gudubtay Final Kadib Markii Dirqi Kaga Badiyeen Kooxda Dalka Uruguay

Brazil(CakaaraSport) SAbti June29,2013.Brazil ayaa soo fariisatay Finalka-Cayaaraha Koobka Conferetions-Cup ee ay dalka Brazil marti galinaysay,kadib markii ay 2-1 si dirqi ah yaa alaahu iyo tu ba'day ay uga badisay Kooxda Dalka Ururguay,inkastoo Gool rigoore ah uu ka khasaariyay Uruguay Difaaca Kooxda Chelsea Diego Forlan oo daqiiqadii 13-aad khasaariyay Gool ku laad loo dhigay. Laacibka Paulinho ayaa neefta ka fujiyay Brazil iyo taageerayaasheedaba oo Quus ka taagnaa ciyaarta kadib markii ciyaarta oo ay ka dhiman tahay 4-daqiiqo oo kaliya uu Gool madaxa ah ku hubsaday shabaqaha Kooxda Uruguay.

Brazil oo liiska Fifa uga jita kaalinta 22-aad oo iyadu ah halkii ugu hoseeysay ee taariikhda Kooxda soo marta ayaa la filayaa hadii ay ka badiyaan Ciyaarta Finalka Kooxda Dalka Spain oo Nasiib Indho isku qabasho iyo Pique oo ay Hareer taagnayd Xaaskiisa hakiira ah kaga soo badisay Kooxda Talyaaniga Ina ay FIFA ay Kaalin ama nmbar fiican fariisin doonto Xulka Dalka Brazil.