Kuliyada Caafimaadka Horn International College oo Ay Ka Qalinjabiyeen Maanta Arday Tiradoodu Dhan Tahay 146.

Jigjiga(cakaaraNews) Axad June 30,2013.Waxaa Maanta lagu qabtay Kuliyada Horn Munaasabad ay ku Qalinjabinayeen 146 Arday oo bartay Culuunta Caafimaadka la xidhiidha dadka Sida Laboratory,Pharmacy,Mid-wivery iyo Qaybo kale iyadoona ay kuliyadani ka mid tahay kuwa garka loo leeyahay ee Qaybta ka ah qorshayaasha Horumarinta Dhinaca Caafimaadka Deegaanka.

munaasabadan ayaa ay kasoo qayb-galeen Hormuudka kuliyada,macalimiinta,martisharaf,waalidka-ardayda iyo ardayda qalijabinaysay oo ay shucuurtoodu saraysay maanta.

Hormuudka Kuliyada Mudane Dhamaqe Makulu oo ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Ardayda Qalinjabinaysay iyo waalidkii ku soo tabcayba islamarkaana sharax ka bixiyay Culuunta caafimaad ee ay barteen ardaydani sanadihii ay ku jireen waxbarashada kuliyada iyo sidoo kale guud ahaanba laamaha culuunta caafimaad ee kuliyadan laga barto.

Isku soo wada soohoo 73 ka mida ardaydan qalin jabisay ayaa ahaa gabdho halka wiilashuna ka ahaayeen 73 waana daliil muujinaya heerka Kobaca waxbarashada Dumarka DDSI.