Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Brazil oo Hanatay Koobkii Confederetion-Cupka Kuna Durdurisay Xulka Dalka Spain.

Brazil(CakaaraSport) Isniin Julay o1,2013.Brazil ayaa si xarago leh u qaaday Koobkii (Confretions-Cup)ee dalkeeda lagu qabtay,kadib markii 3-0 ay ku durdurisay kooxda Dalka Spain oo ay ku kulmeen ciyaartii finalka ahayd xalay,iyadoo xalay Brazil ay iska khasaariyeen ugu yaraan 4-Gool oo (Shots-Goalka)loo yaqaan lana hubay in ay ruxi lahaayeen shabaqa Spain.

Dhanka kale Xulka Spain ayaa habeenkii xalay ahaa Fursadda kaliya ay heleen ayaa aheyd daqiiqadii 41-aad kadib markii Laacib Mata oo kubad u baasay Pedro oo goolka u furnaa ku guuleystay inuu Goolhayaha Brazil daba-mariyo,laakiin inta aysan xariiqda goolka dhaafin waxaa si la yaab leh oo filanwaa ku noqotay u bixiyay Difaaca Brazil David Luis. Fifa ayaa Neymar ku magacawday xidigii ugu fiicnaa Ciyaarahan,islamarkaana la hoyday Kubadda Dahabka ka samaysan ee loo yaqaan (Golden-Ball)halka Ineista la siiyay (Silver-Ball),sidoo kale Casilas ayaa ku guuleystay (Golden-Glove).

Isku soo wada duuboo Kooxada Brazil ayaanan 29 ciyaarood oo kulankan ah aan Dhinacooda dhulka la dhigin ama laga badin kuna hantay koobkii,sidaan hore idiinku sheegnayba waxaa la filayaa in ay FIFA ay siiso Brazil kaalinta ugu horaysa Darajada maadaama ay brazil markii horeba ku jirtay liiska safka hore.