Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Jaaliyada DDSI ee Melbourne oo GalDacwadeed Ku Furay Hadhaagii UBBadii La Gunaanaday iyo Mid Ka Mida Idaacadaha Galbedka Melboure ee Afka Soomaaliga Ku hadasha oo Waraysi.

Melbourne(CakaaraNews) isniin July 01,2013.Waxaa Abaabul wada jaaliyada DDSI ee Melbourne ay ku wacyigalinayaan Dhalinyarada aan Xogta Deegaanka ka warhayn kuwaasoo dhawaan magacii UBBO ay kaga Qaraaban jirtay Australia Shan farood iyo calaacal kaga qaaday fashiliyayna Hagardaamooyinkii UBBO u gaysatay Shacabka oo ay Boolisku ay Galdacwadeed uga fureen sidoo kale waxaa isna ka mida Mudane Faysal Ibraahin oo ka hor melbourne ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI ayaa xogogaalnimadiisa dhanka warbixinada Waxqabadka Xukuumada Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka suuban ee ka taabo galay Deegaanka Soomaalida Sharax Guud ka siiya Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan Dalka Australia gaar ahaan Melbourne.

faysal ayaa maalmahan waraysiyo Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee ka hanoqaaday Deegaanka siiyay mid ka mida idaacadaha Galbeedka Melbourne oo Afka Soomaaliga ah ku hadasha. Waxaa ka mid ahaa warbixinadii Faysal Ibraahin Xukuumada uu Hogaanka u hayo madaxwaynaha degaanka somalida ethiopia mudane abdi maxamud cumar inay tahay xukuumad ay maanta ku diirsadeen Guud ahaan shacabka kunool deganka iyadoona wax badan ka qabatay dhanka nabad-galyada,hormarka iyo maamulka suuban sida kaabayaasha dhaqaale ee aas- aasiga ah.

dhanka kale mudane faysal ayaa waxuu si qoto dheer uga warbixiyay heerka horumarineed ee uu maanta taagan yahay deganka Soomaalida iyadoo uu ku tilmaanay inuu degaanku marayo maanta halkii ugu sareeysay ee uu abid gaaro islamarkaana DFI iyo Deegaanada uu ka kooban yahay ka marag kaceen waana markii ugu horaysay ee DDSI lagu qabto xuska Qowmiyadaha.

Faysal ayaa ku bogaadiyay qurbajoogta degaanka u dhalatay ee maanta ka qayb qaadanaysa hormarka iyo nabad galyada ka hanoqaaday degaanka isaga oona farta ku fiiqay in Qurbajoogta ka so jeeda 9ka Gobol ee uu DDSI ka kooban yahay ay u guntadaan Shaqsiyaadka ka soo hadhay Gunaanadkii UBBO ee ku dhuumaalaysanaya Australia kuwaaasoo xasuuq ba'an,Kufsi,Dil iyo Dhac u gaystay Shacabka Deegaanka in dacwad Dhan ka ah loo Gudbiyo axkamada Caalamiga ah ee Hegue si loogu qaado Gaboodfaladii ay gaysteen sida Ina Ruqiyo Dhuubo,Qaaxo(M.ismail)Sujuu madey iyo ina Cumar Dacay ayuu ku soo Gunaanaday.

Ugu danbayntii ayaa ay Jaaliyada DDSI ee Australia-Melbourne oo ku hadlayay Codkooda aysal Ibraahin ugu baaqeen dhamman qurbajoogta degaanka u dhalatay inay ka qaybqataan hormarka iyo nabad galyada ka hanaqaday degaanka gaar ahaan waxuu si qaas ah baaq oogu diray qurbajoogta ku nool dalka australia, gaba gabadii ayuu mudane faysal ibraahin ku booriyay xukumada DDSI oo uu horkacayo mudane abdi maxamud cumar inay sii laba jibaaraan dadaal kooda ku aadan hormarka iyo nabad galyal yada.