Waftigii DDSI ka Tagay ee Ka Qaybgalayay Aaska Qaran ee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Dawlada Puntland ee Garoowe.

Garoowe(CakaaraNews) isniin July 01,2013.Waxaa si heer sare ah loogu soo Dhaweeyay Dawlada Puntland Wafti ka tagay Xukuumada DDSI oo ka Qaybgalaya Aaska Qaran ee Alle ha u Naxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Ka Dhici Doona Magaalada Qardho ee Maamulka Dawlada Puntland.

waftiga Xukuumada DDSI uga Qaybgalaya Aaska Qaran ayaa ayuu hogaaminayay wasiirka tababarada,Xirfadaha iyo Farsmada DDSI Mudane Maxamed Faatax Maaxamed isagoo ay wehelinayeen wasiir kuxigeenka Xafiiska Arimaha Shacabka Kobcinta iyo Awooda Mudane Qalbi Axmed jaamac iyo Odoyaasha Guurtida Dhaqanka DDSI oo ay ka mid yihiin Suldaan C/raxmaan Bade,Garaad Janan garaad,Garaad Khadar Maxamed Dheere,Xisi Dheere iyo qaar kale.

waftiga Xukuumada DDSI ayaa ay Masaafo Dheer kaga Hor yimaadeen Golaha wasiirada,Masuuliyiinta Dawlada Puntland,Odoyaasha Dhaqanka iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada oo safaf dhaadheer Dhinacyada Wadada taagnaa iyagoona watay Caleemo Qoyan kuna luqaynayeen kooxaha Dhaqanka dawlada Puntland ereyo Soo Dhawayn walaalnimo muujinayay.

Masuuliyiinta Dawlada Puntland ee Soo Dhawaysay waftiga ayaa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyada Mudane Faarax Cali Shire,Wasiirka wasaaada Qorshaynta yo Xidhiidhada Caalamiga ah Mudane Sayid Maxamed Cabdule Xasan,kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Mudane Burhaanu Cali Silig,Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha iyo Ciyaaraha Mudane Mudane C/wali Indha-guran,Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax,Xildhibaano,Madaxda Degmada,Gobolka,qunsulka Itoobiya u fadhiya Garoowe Ato Asmalaash iyo Masuuliyiin kale.

Si Diiran ayaa waftiga lagu soo dhaweeyay iyadoo ay mid mid u salaameen Masuuliyiintii ,Xildhibaanadii,maamulada Degmoyinka iyo Gobolka,Haweenka,Dhalinyaradaiyo Odoyaasha Dhaqanka Dawlada Puntland ee u soo baxday Soo dhawayntooda,ka dib ayaa loo sii gadhqaaday Dhanka Magaalada iyo meel loogu sii talo galay in la dejiyo waftiga DDSI.

Waftiga ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta Dawlada Puntland iyo Shacabkaba sida walaalnimada iyo qadarinta mudan ee ay u soo dhaweeyeen,islamarkana uga tacsideeyay Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Boqor C/laahi Boqor Muuse