Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waftigii Xukuumada DDSI ee Ka Qaybgalayay Aaska Qaran ee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo uu Maanta Ku Qaabilay Madaxweyne Ku xigeenka Dawlada Puntland Madaxtooyada Booqdayna Wasaarada Waxbarashada.

Garoowe(CakaaraNews) Talaado 02,juy,2013.Sidaanu hore idiinku soo tebinayba Waxaa shalay si heersare ah oo kalgacal walaalnimo iyo deriswanaag huwan ay Dhamaanba Golaha Wasiirada,Xildhibaanada,Maamulada,Odoyaasha Dhaqanka iyo Qaybaha Bulshada ee Dawlada Puntland ay ugu soo Dhaweeyeen laga Soo bilaabo Xadka ilaa Caasimada garoowe Wafti isugu jiray wasiiro iyo Odoyaal dhaqameed ka tagay Xukuumada DDSI si ay uga Qaybgalaan Aaska Qaran ee Ilaahay ha u naxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Maalmaha Fooda Inagu soo haya lagu aasi Doono Magaalada Qardho.

Hadaba waftiga DDSI ayaa Maanta uu Qaabilaad qadarin Mudan uu ugu Qaabilay Xafiiska madaxtooyada Puntland Madaxweyne Kuxigeenka dawlada Puntland Mudane C/samad Cai Shire oo ay Wehelinayeen Golaha capinetkiisa,islamarkaana ay kala Qaateen Xogwaraysi ku saabsan arimaha Xidhiidhka iyo iskaashiga labada Dawladood iyadoona Ay waftiga Xukuumada DDSI ay u gudbiyeen Fariin ay uga sideen Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo tacsi u Soo diray dawlada Puntland,Qoyskii,ehelkii iyo Guud ahaan Shacabka Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid ilaahay ha u naxariistee Boqor C/laahi Boqr Muuse(Kig Kong).

Masuuliyiinta 2da dal ayaa kulan 2aad isu balansaday ka dib markii yimaado Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Faroole si ay arimo doora uga wada munaaqashoodaan dawlad ahaan iyo Dhaqan ahaanba,iyadoona ay labada dhanba aad uga mahadceliyeen Xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya iyo soo dhawaynta loo muujiyay waftiga.

Sidoo kale waftiga ayaa Booqday Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ay ka dhaqaysteen warbixinta Waxqabadka iyo heerka ay marayaan Covaregeka Waxbarashada Puntland oo Run ahaantii ay Qireen waftiga Xukuumada DDSI in ay meel fiican marayaan Heerka waxbarashada Puntland iyadoona ay Madaxda Wasaarada Waxbarashada Puntland ay aad ugu Mahadceliyeen DDSI Fursadaha waxbarasho ee ay ugu deeqeen Ardayda Puntland ee wax ku barata Kuliyadaha iyo Jamacada Jigigiga iyagoona meel isla dhigay sidii ay iskaashiga dhanka tacliinta ee ka dhaxeeya la sii xoojiyo.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane C/samad Cali Shire ayaa Qado Sharaf ugu sameeyay Waftiga Xukuumada DDSI Rugsan Square Hotel.