Waxaa Xaflada Xidhitaanka Sanad-Dugsiyeedkii Dugsiga waxbarashada iyo Hoyga Caruurta Ay waalid Tireen Nabad-diidku Lagu Qabtay Hoolka

Sanad-Dugsiyeedkii Dugsiga waxbarashada iyo Hoyga Caruurta Ay waalid Tireen Nabad-diidku oo La Soo Xidhay Waxaa lagu Qabtay xaflad Xidhitaanka Waxbarashada Sanad-dugsiyeedka 2005TI Dugsiga Hoyga iyo waxbarashada Caruurta ay waalid tireen Nabaddiidka ee Magaalada Jigjiga,islamarkaana ay ka soo qaybgaleen wasiirka Waxbarashada DDSI,wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda,wasiirka ganacsiga DDSI,Wasiirka Sportiga Mudane Miig,wasiir kuxigeenka Madaxtooyada,Maareeyaha Dugsiga,waalidiinta Ardayda iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan oo ay Kooxda Ardayda Agoonta ah ay ku soo bandhigayeen Heeso Qiiro ku abuurtay Dhamaanbaka soo qaybgalayaashii kana mid ahaayeen Midhaheedii Aabahaa Anaa Dilay Hooyadaana Asay u xidhay adigana kaa dhigay Agoon. Maareeyaha Kuliyada ayaa ka soo jeediyay warbixin ku sabsanayd Nidaamka baris-barasho ee Dugsiga,tirada Ardayda Dhigata oo ah 584 arday oo ay 124 ka mida ka yar yihiin 10 sano,Heerka Aqoonta Barayaasha wax u dhiga Agoonta,daryeelka Caafimaad ee la Siiyo caruurta,isku dheelitirka Cuntooyinka la siiyo Ardayda Agoonta ah Dhafoorkoodana ka muuqato,ilaalinta Nadaafada Huga iyo Hoyga ay seexdaan Ardaydu iyo sida ay waalidkood ugu noqdeenba.

wasiirka waxbarashada oo ka hadlay ayaa aad ugu amaanay maamulka Dugsiga sida wanaagsan ee ay caruurta Daryeelkooda iyo waxbarashadoodaba uga soo dhalaalaan iyadoona uu xafiiska waxbarashadu uu mar kasta la garab taagan yahay Dugsigan sidii uu uga caawin lhaa Baahiyaha ku aadan tayaynta waxbarashda Dugsigan ayuu yidhi.