Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta DDSI oo Aqoon-iswaydaarsi Ku Saabsan Dulsaarnimada(Rent Seeker) Ku Qabtay Godey.

Godey(CakaaraNews) Arbaco July 03,2013.Dulsaarniimada Oo Caqabadku Ah Hawlaha Horumarka Ee Ka Hana Qaaday Dalka Iyo Degaankaba Ayaa Si Loola Dagaalamo Ayaa Waxaa Dawlada Federalka Itoobiya Iyo DDSI Ay Dadaal-Xoogan Ugu Jiraan Sidii Loo Yareyn Lahaa Fikradaha Dulsaarnimada Islamarkaana Looga Wacyi Gelin Lahaa Bulshada Ku Dhaqan Degaanka Somalida Itoobiya Aragtida Iyo Ficilada Dulsarnimada Xambaarsan Ee Ay Ka Midka Yihiin Qabyaalada, Eexda , Nin Jeclaysiga Iyo Musuqa Madaama Ay Caqabad Ku Yihiin Hirgelinta Horumarka Iyomaamulka Suuban Islamarkaana Si Dalku Ugu Biro Wadamada Dhaqalahoodu Dhed-Dhexaadka Yahay Tasoo Qaybka Qorshaha 5ta Sano Ee GTP Ga Ee Dalka Lagaga Saarayo Saboolnimada.

Hadaba Iyadoo Laga Duulayo Hirgelinta Qorshayaashan AyaaXafiiska Adeega Shacabka Iyo Kobcinta Maamulka DDSI Oo Ka Duulaya Qorshayaashiisa Shaqo Ee U Dajisan Kuwaasi Oo Ku Aadan Ladagaalanka Dulsaarnimada Ayaa U Qabtay Kulan Aqoon Is Waydaarsi Ah Inka Badan 75 Xubnood Oo Ka Kala Socday Maamulka Magaalada Qabri-Dahar Ganacsatada Iyo Odayaal Dhaqameedka Iyadoo Ujeedada Kulankani Aqoonsweydaarsiga Ayaa Ahayd Sidoo Xubnahaasi Fahan Buuxa Looga Siin Lahaa Ladagaalanka Dulsaarnimada Iyo Falanqaynta Saameynta Ay Ku Yeelanayso Dulsaarnimada Awooda Fulineed Ee Hirgelinta Maamulka Suuban.

Waxaana Ugu Horeyn Kulankani Ka Hadlay Wasiirkuxigeenka Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Kobcinta Maamulka DDSI Mudane: Maxamed Xasan Isagoo Ka Warbixiyey Saameynta Ay Ku Leedahay Dulsaarnimada Hirgelinta Awooda Fulineed Ee Maamulka Suuban Sidoo Kalena Kula Dardaarmay Xubnahani In Ay Ka Faideystaan Kulankani Aqoon Isweydaarsiga Ah Islamarkaana Wixii Ay Ka Barteen Kulankan Ay Ku Dhaqmaan Iyadoona Kulankani Aqoon Isweydarsiga Ah Intii Uu Socday Ay Casharo Ka Bixinayeen Khabiro Ka Socday Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Kobcinta Maamulka DDSI Iyo Khabiiro Ka Socday Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa Ee DDSI.

Sidoo Kalena Waxaa Kulankan Mid La Mid Ah Lagu Soo Qabtay Magaalada Godey Kasoo Ay Ka Soo Qayqaybgaleen 75 Xubnood Oo Ka Socday Maamulka Magaalada Godey Iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan Eek U Dhaqan Magalada Godey Waxaana kaloo Ka Hadlay Kulankaasi Aqoon Isweydaarsiga Ah Mayorka Maamulka Magalada Godey Mudane: Kulmiye Maxameed Dool Oo Kula Dardaarmay Xubnihii Kasoo Qaybgalay Kulankaasi In Wixi Ay Ka Faideen Aqoon Isweydaarsiga Ah Ay Ficil U Badalaan Bulshadana Uga Faideyaan Iyadoona Kulankan Aqoon Isweydaarsiga Ah Ee Uu Uqabtay Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Kobcinta Maamulka DDSI Maamul Magalooyinka GODEY iyo QABRI-DAHAR Ay Ku Qadanayeen Casharo La Xidhiidha Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Adeeg Bixinta Dulsaarnimadu Waxa Ay Tahay iyo Hirgelinta Maamulka Suuban Iyo Ladagaalanka Musuqa .