Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirwaynihii Horumarka N/galyada,maamulka suuban ee Gunaanadka iyo Gabagabaynta Hagardaamadii UBBO oo Galay maalintii 2aad.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco july 03,2013.Sidaan hore idiinku soo sheegay waxaa maalintii shalay ka furmay magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka shirwayne loogu magacdaray Ka wada tashiga horumarka,n/galyada,maamulka suuban ee gunaanadka iyo gabagabaynta hadgardaamadii hadhaaga Gagalkeedu dhacay ee UBBO iyadoona maalitii shalay ahayd uu soo jeediyay warbixintii waxqabadka xukuumada DDSI ee sanad-miisaaniyeedka 2005 TI madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar si ay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ee ay udub-dhexaadka u yihiin Hogaaminta Dhaqanka ee odayaashu ay u ogaadaan qorshayaashii horumarineed ee ay xukuumadu ugu talagashay dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay DDSI in si siman looga Dhaqan galiyay.

Hadaba markii ay shalay dhagaysteen Goluhu warbixinta xukuumada ayaa maanta lays kugu soo laabtay Shirwaynaha si ay Shacbku uga warbixiyaan waxqabadka Xukuumada,suaalo uga waydiiyaan islamarkaana u xaqiijiyaan heerka waxqabadka Xukuumadu gaadhsiisan yahay. Hadaba saaka subixii ayaa madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar waxa uu idmay in ay Gudboon tahay in la wada falanqeeyo warbixinta Waxqabadka Xukuumada islamarkaana Codbaahiyaha ku wareejiyay Golaha Guriga si qaybaha kala duwan ee bulshada ku sugan Shirwaynaha uga dhiibtaan fikirkooda ku aadan warbixinta xukuumada ee waxqabakii sanadkan hada dhamaanaya.

waxaana halkaasi ka hadlay odayaal ka kala socday gobolada iyo degmooyinka deegaanka kana mid ahaayeen Oday maxamuud oo ka socday Gobolka Siti oo ugu horayntii qaatay maykarafoonka ayaa waxa uu sheegay in ay si wayn ugu bogeen warbixinta waxqabadka xukuumada iyo guud ahaanba waxqabadka xukuumada uu hogaaminaya mudane Cabdi Maxamuud Cumar wuxuuna sheegay in ay xukuumadani tahay mid keentay isbadal wayn oo ah dhinaca horumarka,nabadgalyada,maamulka suuban,Cadaalada,Sinaanta iyo ka qaybgalinta Qorshayaasha Qaybaha Shacabka wuxuuna oday maxamuud is barbardhigay waxqabadkii xukuumadihii hore ee deegaanka soo maray iyo waxqabadka xukuumadan haatan ka talisa deegaanka isaga oo sheegay in wixii ay 20 sano ku qaban waayeeen xukuumadahii hore ee ka talin jiray deegaanka ay xukuumadan maanta haysaa talada deegaanka ay ku qabatay mudo 2 sanno ah.

Oday Maxamuud oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in xukuumadihii hore ay ku mashquulsanaayeen is qabqabsi nin jaclaysi qabyaalad musuq,Aragti Nabad-diid,Musuq iyo sad bursi sidaasi darteedna ay ku guul darnaysteen in ay bulshaday xilka u hayeen gaadhsiiyaan horumar ka jawaabaha Baahiyahooda taasoo dhaxalsiisay Guud ahaanba shacabka DDSI in ay Candhuuftoodii dib u liqaan una dhaxeeyay Horumar la'aan iyo Dibindaabyadii Arxan daro ee UBBO,Basle markii ay xukuumadan haatan haysa ka talisa deegaanka la wareegtay xilka hogaaminta Xukuumada iyo bulshada ayaa waxay noqotay xukuumad ay ka go antahay waxqabad tayo leh kana jawaabta ka midho dhalinta Baahiyihii Shacabka islamarkaana waxay mudadii yare e ay hayso xilka siwayn ugu guulaysatay in ay bulshada deegaanka gaadhsiiyo horumar waara xasilinta amniga koboca dhaqaalaha abuurida ilaha shaqada horumarinta magaalooyinka xidhiidhka qurba jooga oo waxqaynka taray koboca dhaqaalaha gaar ahaan dhinaca maalgashiga.

Wuxuuna oday maxamuud hadalkiisa ku soo afmeeray siwayn ayaan ugu qanacsanahay warxibinta xukuumada siwayna waan u garabtaaganahay xukuumadayada Waa xukuumada degdeg uga jawaabtay Damaanada baahiyaha Shacabka suurtogalisayna in ay Rajo nololeed Dareemaan Shacabku.

Sidoo kale odayaal ka kala socday gobolada deegaanka oo dhamaantood hadala dhaxal gal ah ka soo jeedayay shirwaynahaasi ayaa waxay sheegeen in ay siwayn ugu bogeen warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI islamarkaana ay guud ahaanba u bogeen waxqabadka xukuumada wixii ay qabatay 2 sano ee ugu danbeeyay siwayna xukuumadani ugu guulaysatay waxqababka dhinaca horumarka n/galyada maamulka suuban siwayna loogu guulaystay tir tirida iyo dabar goynta hadhaagii UBBO. Shirkaasi oo wali si habsamiya uga socda hoolka shirarka ee S.MCX. waan idiin soo tabintoonaa wixii ka soo kordha