Munaasabada Qalinjabinta Ardayda Jaamacadaha Dalka ee Puntland ee Deeqda Waxbarasho Ka Helay DDSI oo Ku Qalinjabin Doonaan Hoolka Shirarka SMCX Jimcaha Galinka Danbe.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis July 04,2013.Waxaa Maalinta Jimcaha Galinka Danbe lagu qaban doonaa hoolka shirarka ee SMCX ee magaalada Jigjiga Xaflada qalin-jabinta Ardayda jaamacadaha Puntland ee Deeqda Waxbarasho ka helay Xukuumada DDSI.

DDSI ayaa Arday badan oo kor u dhaafaysa 78 Ardayda Dawlada Puntland siisay Deeq Waxbarasho halkaasoo ay Wax ku kala baranayeen Jaamacadaha Dalka iyo DDSI sida kuliyada caafimaadka,Kuliyada Farsamada iyo Xirfadaha,TTC,Jaamacada Jigjiga iyo Haramaya oo ku taal harar. Isku soo wada Duuboo jimcaha Galinka Danbe ayaa Munaasabad aad u balaadhan oo ay ku qalinjabin doonaan Ardaydii Puntland ee Deeqda Waxbarasho ka helay DDSI.