Ninba Waa Markiisee Mus Ma Kula Koray Serena oo Looga Dacareeyay Koobka Horyaalka Tenniska ee Wimbledon.

(CakaaraSport) Khamiis July 04,2013. Gabadhii loo saadaalinayay in ay ku guuleysan doonto horyaalka Wimbledon ee lagu magacaabo Serena Williams oo sanado badan Hogaanka haysay Horyaalka Caalamiga ah ee Tenniska Gabdhaha, ayaa lagu reebay wareega 4d ee tartankaasi markii looga badiyay 6-2 1-6 6-4, guuldaradan lama filaanka ah ayaa waxey kala kulantay Serena gabadh u dhalatay Dalka Germany oo lagu magacaabo Sabine Lisicki.

Maan Bareey iyo Maan Bilaal Serena ayaa waxey u hanqal taagaysay in ay markii 6aad Hanato ama guuleyso horyaalka ay difaacaneyso ee Wimbledon, laakiin waxaanan ka Aqbalin oo burburisay Hamigii Sarena Gabadh u dhalatay Dalka Germany Sabina Lisicki oo soo Gunaanaday 34 kulan oo xidhiidh ah Sarena La Loodin waayay ka dib markii ay si xarago leh uga badisay. Sabine oo farxad ay ka muuqato markii ay is-dhafisay Serena.

Serena Williams ayaa waxey qaaday wadadii ay kaga sii horeeyeen laacibiintii kale ee tartankaan loo saadaalinayay ee laga reebay kuwaasoo kala ah Maria Sharapova, Victoria Azarenka, Roger Federer iyo Rafael Nadal.