Shirwaynihii horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban ee gunaanadka gababagaynta UBBO oo maanta la soo gabababeeyay.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce July 05,2013.Shirwaynahan oo muda 3 maalmood ah ka socday hoolka shirarka SMCX oo lagu gorfaynayay si xeeldheer arimaha horumarka nadagalyada iyo maamulka suuban ee gunaanadka gabagabadaynta hadhaagii UBBO ayaa maanta la soo xidhay iyada oo uu soo xidhay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar. Labadii maalmood ee hore ayaa ay ergooyinku afkaarahooda ka dhiibanayeen warbixintii waxqabadka xukuumada oo ay kaga marag kaceen in xukuumada manta tahay tii hanatay qalbiga iyo quluubta shacabweynaha deegaanka markii ugu horaysayna ka jawaabtay baahidii shacabka dhinacyada kobaca dhaqaale,horumarka,maamulka suuban,n/galyada iyo kaqaybgalinta doorka qorshayaasha qaybaha bulshada.

Shalay galinkii danbe ayaa ay hormuudka odoyaal-dhaqameedka deegaanka ay si dhab ah u falanqeeyeen isbedelada xukuumada ddsi ee manta talada deegaanka haysa oo ka soo dhalaashay waxqabadka horumar,n/galyo iyo kobac dhaqaale ee xilkii ay umada u haysay. Sidoo kale Dhamaanba Waxgaradka iyo Xukuumada ayaa hoposta ka wada xariiq ay hagardaamooyinkii iuyo gaboodfaladii ay UBBO u gaysatay guud ahaan qaybaha shacabka deegaanka soomaalida dhawaanba laga soo saari doono buug soo koobaya.

iyada oo maalintii shalay galinkii banbe ay qaybahan bulshada ee ka soo qaybgashay shirwaynaha ay booqasha ku soo mareen goobo ay yaalaan qalabka lagu hirgaliyo mashaariicah sida qagaf cagafyo mushiino waawayn oo ay xukuumadu dhawaan soo iibisay iyada oo ay siwayn ugu bogeen qalabkan noocyada badan ee ay xukuumadu ugu tala gashay in lagu hirgaliyo mashaariicaha Horumarineed ee kala duwan ee laga hirgalin doono deegaanka.

hadaba intaan maata la xidhin shirkaasi ayaa waxa uu gurigu siwayn oo gorfeeyay dhinaca mashaariihii horumarineed ee ay xukuumada sanadkan hada dhamaaday ka hirgalisay deegaanka iyada oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada ay gobol gobol u soo bandhigeen wixii ka qabsoomay mashiiriicihii loogu talagalay iyo waliba waxaan ka qabsoomin kana talo bixiyeen arintan oo muujinaysa doorka ay qorshayasha horumarineed ee xukuumada ay ku leeyihiin ka qaybgalka bulshadu.

Waxaa intii uuna madaxwaynuhu shirkaasi oo xidhin siwayn uga hadlay madashaasi siyaasiga wayn ee mahdi ayuub oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii hore ee DDSI isaga oo si qoto-dheer uga hadlay farqiga u dhexeeya xukuumadihii hore iyo xukuumadan haatan ka talisa deegaanka wuxuuna sheegay in wakhtigii ay ka talin jireen deegaanka ay dhacday wakhti ay golaha wasiirada ee deegaanku xukuumada fadaraalka u gudbin jireen in Tirada Degmooyinka Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga yareeyo maadaama oo aanay ka shaqayn karayn karti xumo darteed iyo in ay deegaanka ka shaqeeyaan shaqaale laga keeno deegaanada kale ee dalka maadaamo ay ay aaminsanaayeen nidaamka cunsuriyada iyo Xaqirida Aqoonyahanka Deegaanka lahayn karti shaqo taasi oo uu mahdi ayuub sheegay in ay ka maqnaydba in ay deegaankood ka shaqayn karaan bulshadana wax u qaban karaan islamarkaana ayna jabaawaba baahida ah ee kaga timaada dhinaca bulshada ayna waxba ka qaban kari jirin.

Mahdi ayuu oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax aan marnaba lays bar bar dhigi Karin xukuumadan haatan haysa hogaaminta deegaanka iyo xukuumadahii ka horeeyay ee fadhiid-Cunsuriyeedka ahaa wuxuuma mahdi sheegay in xukuumadani sideg-deg ah uga jawaabtay dhamaan baahida bulshada haddii ay tahay dhinaca horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban waxaana kuu daliil ah ayuu yidhi mahdi shirkan aan maanta joogno oo ay bulshadu xukuumada ku qiimaynayso waxqabadkii Xukuumada DDSI taasi oo ay xukuumadu ka codsatay in ay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha,dhalinyarada,haweenka,culumaaudiinka iyo waxgaradkuba ay ogaadaan Heerka ay gaadhsiisan tahayWaxqabadka xukuumada islamarkaana kula xisaabtamaan xukuumada waxqabaka sida dhinacyada horumarka,nabadgalyada iyo maamulka.

Sidoo kale mahdi ayuub ayaa waxa uu ka shanqadhiyay socdaal uu dhawaan ku tagay dalka Kenya isaga oo sheegay in uu socdaalkoodaasi uu si wanaagsan u dhacay islamarkaana ay safarkoodaasi xaqiiqda runta ka jirta deegaanka ku soo fahansiiyeen qaarka mid ah bulshada ay fikirada qaldan ka dhaadhiciyeen hadhaaga UBBO ee ka dhaq dhaqaaqi jiray Deegaanka.

Ugu danbayntii ayaa waxaa laysa gartay in ay xukuumada deegaanku ku talaabsanay xawaare aad u dheeraynaya oo ah dhinaca horumarka,nabadgalyada,xidhiidhka qurbajoogta,maskaxda shacabka,daryeelka iyo soo dhawaynta dhalinyaradii UBBO khaladay iyo maamulka suuban laguna soo gabagabeeya hadhaagii ubbo in ta yar ee dibahada ka wareegaysanaysana loo sheegay in ay bilaa shuruud ku soo galaan maadaama oo ayna jirin wax la yidhaahdo heshiis halala galo siwayna ay ugu guulaysteen tir tiridooda xukuumada oo ay hormuud u yihiin shacab waynadooha iyo ciidamada geesiyada liyuu boolisku

sidoo kalena waxaa laysa qaatay in ay jiraan meelo badan oo ka mid ah deegaanka in ay ka jiraan wadooyin la’aan sida gobolada liibaan,afdheer iyo nogob iyada oo ay xukuumadu sheegtay in ay qorshaha sanadkan ugu jiraan in wax wayn laga hirgaliyo jidad la’aantu ka jirta goboladaasi halkaasoo uu madaxweynuhu idmay in shirwaynihii la soo afjaray si loo gudogalo hawlaha shacabka.