Deegaanka Soomalida oo u Noqday hormuud waxqabadka qurbajoogta ee itoobiya

Addis-Ababa(CakaaraNews) Sabti July 06,2023. waxaa isniitii ka bilawday hoolka shirarka ee wasaaradda arimaha debeda DFI shir lagu qiimaynay waxqabadkii qurbajoogta deegaanada dalka iyo federaalka, laguna soo jeedinayay Warbixinada qorshaha 2006 ee dalka. Shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan wasaadaha heer federaall,9 kilil iyo labada ismaamul xafiisyadooda u Qaabilsan Arimaha Qurbajoogta iyo maalgelinta.

Shirkaas oo uu furay agaasimaha guud ee (General Directorate) ee arimaha qurbajoogta wasaaradda arimaha dibeda ee DFI halkaas oo uu kasoo jeediyay guud ahaan xaaladda guud ee arimaha qurbajoogta iyo Maalgashiga Guud ahaan Qowmiyadaha DFI ee ku dhaqan Dibadaha iyo Dalkaba isagoona tilmaamay Doorka Qurbajoogta Soomaalida itoobiya ay ka qaadato Hawlaha Qaran Sida Biyo-xidheenka wayn ee Millenium-Abbay. Sidoo kale Waxa uu sheegay In Doorka Qurbajoogta Soomaalidu u tahay Hormuud Qaran Guud ahaan Qowmiyadaha DFI taasoo ku timid Maskaxda iyo Hawlkarnimada Madaxweynaha DDSI Mudane CMC oo u Guntaday Xidhiidhka Qurbajoogta meel kastana ku booqday.

Kadibna ayaa waxaa Codbaahiyaha qaatayMudane faysal agaasimaha qurbajoogta ee ee W. A.D ee Dawlada federaalku soo jeediyay waxqabadkii dalka 2005 iyo qorshihii 2006 kuna amaanay waxqabadka qurbajoogta DDSI ay ka qaateen Horumarka Dalka iyo iskuxidhka Dhamaanba Qowmiyadaha DFI ee Dibada.

Dhanka kale Shirkaas oo uu ka qaybgaley Maareye Kuxigeenka Wakaaladda Qurbajoogta DDSI mudane C/fataax Siciid ayaa golahaas kasoo jeediyay waxqabadkii wakaaladda ee 2005 iyo qorshihii 2006. Kadib waxaa dhammaan kilildda, ismaaluda magaalooyin, wasaaradha heer federal iyo hayadah UN isku raaceen in waxqabadka qurbajoogta DDSI uu yahay waxqabadkii ugusreeyay uguna wanaagsanaa dalka oo dhan. Waxaa xusid mudan in DDSI qurbajoogtoodu noqotay kuwii ugu badnaa ee deeqkubixiyay gatayna ABay Bond iyadoo sanadkii lasoo dhaafay guud ahaan lacagta bonka lagu helay tahay 5 Million ool dollar ayaa inka badan a2 mill oo dollar noqotay bondigaiyo deeqaha ay gateen ama bixiyeen qubajoogta soomaaliyadda itoobiy.

Wuxuu DDSI noqday degaankii ugu badnaa ee tiro qurbajoog oo ka bad 1500 adeegsiiyay sanadkii lasoo dhaafay halka deegaanadda ugu waaweyn sida tigrai, amara, oromia ay adeeg siiyeen in ka 200 oo qof guud ahaana tiradda qurbajoog ee dalku adeeg siiyay tahay 519.

Sidoo kale deegaanku wuxuu noqday deegaanka ugu badan ee qurbajoogta itoobiya maalgashatay iyagoo maalgeliyay 96 mashruuc oo aduunka ku baxyo dhanyahay lix bilyan oo bilyan oo birr halka deegaanadda oromia iyo tigrai maalgashiga qorbajoogtu kayaryahay 2bbillyan oo birr iskudar. Isagoo hadalkiisii sii wata hadalkiisii ayuu si qota dheer uga hadlay in ay dhammaan guulaha la gaadhay ee arimaha qurbajoogtu ay tahay dhaxalkii iyo midhihii dedaalkii dheeraa ee Hogaaminta sare ee DDSI ee uu hormoodka ka yahay madaxweynaha DDSI mudane Cabdi maxamudd cumari .

Shirkaas oo lasoo gabagabeeyay ayaa dhammaan kililadda DFI,ismaamuladda magaalooyinka iyo wasaaradaha heer federal si weyn ugu amaaneen waxqabadka qurbajoogta DDSI mahadcelin gaar ahna ugu soo direen Madaxwenaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar sidoo kale cod buuxa ku ansixiyeen in loo qaato waxqabadka qurbajoogta DDSI Modelka ugu wanaagsan itoobiya waxna laga barto laguna daydosidoo kale kaloo wuxuu gurigu isla qaatay in Madaxweyne Cabdi Amxamuud Cumar ay uqaataan madaxweynayaasha deegaanasdda itoobiya model lagu daydo. Sidoo kale wuxuu gurigu codbuuxa ku ansixiyay in shirka ugu horeeyay ee Dalka lagu qabto Jigjiga kasoo ku began 1- 5 dikimti ee n2006.