Maydkii Marxum Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Diyaaradii Waday Ay Soo Cagadhigatay Magaalada Qardho iyo Maanta oo AAs Qaran Loogu AAsi Doono.

Qardho*CakaaraNews) Axad July 07,2013.Waxaa Soo cagadhigatay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Qardho ee Daawlada Puntland Diyaaradii Waday Maydka Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse(King Kong) halkaasoo Islagaroonka lagu Tukaday salaadii Jinasada oo Ay Ka Qaybgaleen Dhamaanba Madaxda,Odoyaal0dhaqameedka,Culumaaudiinka iyo qaybaha Bulshada,iyadoona ay la socdeen Qoyskiisa iyo Ehelka Boqorka.

Meydka Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Musse ayaa loo qaaday Qabuuraha magaalada Qardho si loogu Aaso Marxuumka iyadoona ay halkaasi ku sugan yihiin dadweyne aad u badan oo ay ku jiraan madaxda maamulada Jubaland,Puntland, wafdi ka tegay xukuumada dawdlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.