Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti balaadhan oo uu Madaxweynuhuhu Hogaaminayo iyo Madaxweynaha oo Xadhiga Ka jaray laydhka 24ka Saac ee magaalada Fiiq Looguna Magac daray Socdaalka Ilays iyo Iftiin..

Fiiq(CakaaraNews) Axad July 07,2013.Waxaa tegaY Magaalada Fiiq ee Gobolka Nogob wafti balaadhan oo uu Hogaaminayay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,ujeedada waftigan ayaa ku waaajahan Socdaal loogu magac daray Ilays iyo Iftiin oo xadhiga lagaaga jarayo Mashruuca Quwada Korontada 24ka Saac ee Degmada Fiiq oo Dhamaaday si ay Shacabka ku Dhaqan Degmada Fiiq iyo Qaar ka mida Degmooyinka Gobolka Nogob ay uga faaiidaystaan helida Laydhka 24ka saac. Fiiq ayaa noqonaysa Degmadii ugu horaysay ee hesha laydhka 24ka saac marka laga reebo gobolka faafan taasoo wax wayn ka atri doonta Baahiyaha ay bulshadu u qabaan laydhka.

Sida aanu ka soo xaqiijinay madaxda wakaalada quwada korontada ayaa ay ku sheegeen in laydhka magaalada fiiq awoodiisu ay kafayn doonto ka sakow fiiq iyo nawaaxigeeda ilaa 100km2 taasoo u dhiganta in qaar ka mida degmooyinka hoostaga gobolka nogob sida xamaro,lagahida,salaxaad iyo mayumuluqo ay iyaguna heli doonaan laydhka24ka saac ee magaalada fiiq looga soo jiidi doono. I

isku soo wada soohoo Madaxweynaha ayaa Socdaal loogu magac daray Ilays iyo Iftiin ku tegay Fiiq Islamarkaana xadhiga ka jaray laydhka 24ka saac ee magaalada Fiiq waxaanuna idiin balanqaadaynaa in Macluumaad Dheeri ah iyo Sawirada xadhig ka jaridaba dhawaan idiin soo galin doono.